Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Wargeyska Dawangeneral

Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Oo Dhiirrigeliyey Hoggaanka Golaha Degaanka Hargeysa

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdale Maxamed Carab, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Maayarka iyo Maayar ku-xigeenka cusub ee Caasimadda Hargeysa, iyo qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Magaalada Hargeysa. Wasiirka ayaa si diirran u soo dhaweeyey hoggaanka cusub, isagoo u rajeeyey in Alle u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo doortay,

SO
Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Oo Dhiirrigeliyey Hoggaanka Golaha Degaanka Hargeysa
Sawir / xog muuqaal ah · Wargeyska Dawan

Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL, Cabdale Maxamed Carab, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Maayarka iyo Maayar ku-xigeenka cusub ee Caasimadda Hargeysa.

Maxaa la shaaciyey

  1. Wasiirka ayaa si diirran u soo dhaweeyey hoggaanka cusub, isagoo u rajeeyey in Alle u fududeeyo masuuliyadda culus.
  2. Wasiirku wuxuu xusay in kala-guurka hoggaanku uu muujinayo bisayl siyaasadeed iyo adkaynta xasilloonda Caasimadda.
  3. Kulanka ayaa muujinaya is-afgarad iyo wada-shaqayn u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo Golaha Deegaanka.

Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay in uu si wanaagsan ula soo shaqeeyay hoggaankii hore ee golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa.

Cabdale Maxamed Carab
Hargeysa
2026-05-12

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay ka warqabaan isbeddelada hoggaanka iyo horumarka adeegyada bulshada ee Caasimadda Hargeysa.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Wargeyska Dawan

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdale Maxamed Carab, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Maayarka iyo Maayar ku-xigeenka cusub ee Caasimadda Hargeysa, iyo qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Magaalada Hargeysa.

Wasiirka ayaa si diirran u soo dhaweeyey hoggaanka cusub, isagoo u rajeeyey in Alle u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo doortay, isla markaana ay si hufan ugu adeegaan shacabka Caasimadda Hargeysa.Tallaabadan ayaa ah mid muujinaysa dimuquraadiyadda iyo habsami u socodkii doorashada Golaha Deegaanka, waxaanu xusay in kala-guurka hoggaanku uu muujinayo bisayl siyaasadeed, wada-tashi iyo adkaynta xasilloonda Caasimadda.

Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay in uu si wanaagsan ula soo shaqeeyay hoggaankii hore ee golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa, isla markaana uu diyaar u yahay inuu si dhow ula shaqeeyo hoggaanka cusub, si loo sii ambaqaado horumarinta adeegyada bulshada, bilicda magaalada iyo xoojinta maamulka Caasimadda.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa qaar kamid ah wasiirrada xukuumadda, kuwaas oo iyaguna ku amaanay geeddi-socodka nabdoon ee isbeddelka hoggaanka Caasimadda Hargeysa. Sidoo kale kulankani wuxuu muujinayaa is-afgarad, wada-shaqayn iyo isku-duubni u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo Golaha Deegaanka, taas oo saldhig u ah amniga, horumarka iyo xasilloonida Caasimadda Somaliland.

Isha: Wargeyska Dawan. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Wargeyska Dawan
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Kalsooni
Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralhargeysagolahaarrimaha
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.