Wasiirka Cusub ee Warfaafinta oo Xilka La Wareegay
Muqdisho — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xilka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, iyo Wasiirkii hore, Mudane Daauud Aweys Jaamac. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa Wasiirka cusub kula dardaarmay in uu la yimaado hufnaan iyo dada

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xilka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, iyo Wasiirkii hore, Mudane Daauud Aweys Jaamac.
Maxaa la shaaciyey
- Wasiirka cusub ayaa lagu dardaarmay inuu la yimaado hufnaan iyo dadaal shaqo.
- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ammaan u jeediyay Wasiirkii hore shaqadii wanaagsaneyd ee uu qabtay.
- Wasaaradda Warfaafinta ayaa kamid ah hay’adaha muhiimka u ah shaqada Xukuumadda.
“Wasiirka cusub kula dardaarmay in uu la yimaado hufnaan iyo dadaal shaqo.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan isbeddelada maamulka iyo shaqada Wasaaradda Warfaafinta.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xilka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, iyo Wasiirkii hore, Mudane Daauud Aweys Jaamac.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa Wasiirka cusub kula dardaarmay in uu la yimaado hufnaan iyo dadaal shaqo, isagoo Alle uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday. Sidoo kale, waxa uu ammaan u jeediyay Wasiirkii hore shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu hoggaaminayay Wasaaradda.
Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta ay kamid tahay hay’adaha muhiimka u ah shaqada Xukuumadda, isagoo uga mahadceliyay guud ahaan shaqaalaha Wasaaradda kaalinta ay ka qaataan gudashada waajibaadka Qaranka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan