Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Brazzaville kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika

BRAZZAVILLE — Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa Khamiistii kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika, Dr. Sidi Ould Tah, xilli ay ka socdeen magaalada Brazzaville shirarka sanadlaha ah ee bangigaasi. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarka ay Soomaaliya ka samaysay dib-u-habaynta dhaqaalaha, dadaallada lagu xoojinayo

SO
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Brazzaville kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

BRAZZAVILLE — Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa Khamiistii kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika, Dr. Sidi Ould Tah, xilli ay ka socdeen magaalada Brazzaville shirarka sanadlaha ah ee bangigaasi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarka ay Soomaaliya ka samaysay dib-u-habaynta dhaqaalaha, dadaallada lagu xoojinayo koboca dhaqaalaha iyo fursadaha cusub ee maalgashi iyo horumarineed ee dalka ka jira, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay doorka Bangiga Horumarinta Afrika uu ku leeyahay taageeridda mashaariicda dib-u-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha iyo soo kabashada dhaqaalaha dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay sii wadidda dib-u-habaynta dhaqaalaha, kobcinta maalgashiga iyo abuurista fursado shaqo oo horumar loogu horseedo shacabka Soomaaliyeed.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralsoomaaliyawasiirkaafrika
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.