Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa kadib 15-ka May
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Jimcihii khudbad Xasaasi ah ka jeediyay maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May ayaa ku dhawaaqay go’aan culus oo ku aaddan muddo xileedka sharciga ah ee hay’daha dowladda Soomaaliya. Xasan Sheekh ayaa meel fagaare ah kaga dhawaaqay in muddo xileedkiisa iyo kan Baarlaamaanka uu ku [R

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Jimcihii khudbad Xasaasi ah ka jeediyay maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May ayaa ku dhawaaqay go’aan culus oo ku aaddan muddo xileedka sharciga ah ee hay’daha dowladda Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa meel fagaare ah kaga dhawaaqay in muddo xileedkiisa iyo kan Baarlaamaanka uu ku egyahay 15-ka May 2027, isla markaana ay ku cadahay dastuurka cusub ee dhawaan dhaqan-galay, sida uu ku dooday.
Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in go’aankan uu ku yimid rabitaanka shacabka, ayna gaartay hay’addii sharciga u lahayd, sida uu hadalka u dhigay.
“Muddo xileedka BFS iyo dowladda Soomaaliya oo Madaxweynuhu ugu horreeyo wuxuu dhacayaa 15-ka May 2027 anaa rabo oo go’aankaas gaaray ma aha hay’addii sharciga u lahayd ayaa gaartay go’aanka,” ayuu yiri Xasan.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan