Xeer ilaalinta oo shaacisay cidda xalaaleysay xabsi ku haynta Sacdiyo
Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan maxkamad la horgayn doono Sacdiyo Macalin Cali Xasan, oo ahayd darawalad mooto Bajaaj, si looga go’aan gaaro kiiskeeda. Xeer Ilaaliyahay ayaa sheegay in kiiskeedu marayo heer gaba-gabo ah oo dhinaca baarista iyo dacwad-oogista ah, iyada oo uu […] The post Xeer ilaa

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan maxkamad la horgayn doono Sacdiyo Macalin Cali Xasan, oo ahayd darawalad mooto Bajaaj, si looga go’aan gaaro kiiskeeda.
Xeer Ilaaliyahay ayaa sheegay in kiiskeedu marayo heer gaba-gabo ah oo dhinaca baarista iyo dacwad-oogista ah, iyada oo uu sheegay in hay’adaha caddaaladdu ay dhameystireen inta badan habraacyadii la xiriiray baarista kiiska, isla markaana hadda la sugayo jadwalka dhageysiga dacwadda ee maxkamadda awoodda u leh.
Xeer Ilaaliyaha ayaa sidoo kale ka hadlay wararka la xiriira kiiska Sacdiyo, isagoo sheegay in muddooyinkii dambe ay soo bateen xogaha aan saxda ahayn ee lagu faafinayo baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkood, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo dhaawacaya kalsoonida lagu qabo hay’adaha caddaaladda iyo amniga dalka.
Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in Sacdiyo la xiray 21-kii April 2026, isla markaana muddo 48 saacadood gudahood ah lagu horgeeyay maxkamad, si waafaqsan qodobada dastuurka dalka. Wuxuu xusay in maxkamaddu markaas dhageysatay warbixintii hordhaca ahayd ee baarista, kadibna ay sharciyeysay xariggeeda.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan