Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Caasimada Onlinegeneral

Xog: Kulan xalay dhex maray Shariif iyo Mahad Salaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Mahad Salaad, ayaa xalay hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo ka mid ah Golaha Mustaqbalka. Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay xaaladda amni ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan bannaanbaxyada ay kooxaha mucaaradku sheegeen inay qabanayaan 4-ta bisha

SO
Xog: Kulan xalay dhex maray Shariif iyo Mahad Salaad
Sawir / xog muuqaal ah · Caasimada Online
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Caasimada Online

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Mahad Salaad, ayaa xalay hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo ka mid ah Golaha Mustaqbalka.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay xaaladda amni ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan bannaanbaxyada ay kooxaha mucaaradku sheegeen inay qabanayaan 4-ta bisha Juun.

Taliye Mahad iyo Madaxweyne Shariif ayaa isla lafa-guray muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasilloonida magaalada Muqdisho iyo in laga fogaado wax kasta oo qalqal gelin kara amniga caasimadda.

Ilo ku dhow Sheekh Shariif ayaa Caasimada Online u sheegay in Taliye Mahad Salaad uu soo jeediyay dalab ah in dib loo dhigo bannaanbaxa, si loogu diyaar garoobo inuu si nabad ah u dhaco, iyadoo ciidamada amniga ay sugi doonaan amniga bannaanbaxa si qalalaase uusan u dhicin.

Isha: Caasimada Online. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Caasimada Online
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralsalaadshariifmahad
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.