Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Caasimada Onlinegeneral

Xubnaha cusub ee baarlamaanka Koonfur Galbeed oo si rasmi ah u shaqo bilaabaya

Baydhabo (Caasimada Online) – Xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa haatan si rasmi ah u shaqo bilaabaya kadib markii shalay lagu dhaariyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Xildhibaannada cusub ayaa si rasmi ah loogu dhaariyay inay gutaan waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday, waxaana munaasabadda goob-joog ka ahaa hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah [&

SO
Xubnaha cusub ee baarlamaanka Koonfur Galbeed oo si rasmi ah u shaqo bilaabaya
Sawir / xog muuqaal ah · Caasimada Online
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Caasimada Online

Baydhabo (Caasimada Online) – Xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa haatan si rasmi ah u shaqo bilaabaya kadib markii shalay lagu dhaariyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Xildhibaannada cusub ayaa si rasmi ah loogu dhaariyay inay gutaan waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday, waxaana munaasabadda goob-joog ka ahaa hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, oo kormeerayay habsami u socodka dhaarinta.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeybgalay musharraxiinta u taagan xilka madaxtinnimada Koonfur Galbeed, xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, odayaal dhaqameedyo, wakiillo ka socday bulshada rayidka ah iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay.

Khudbad uu halkaas ka jeediyay, Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa wuxuu ugu baaqay xildhibaannada cusub inay si hufan oo daacadnimo leh u gutaan waajibaadkooda, isla markaana ay ka shaqeeyaan danaha shacabka iyo horumarinta dowladnimada Koonfur Galbeed.

Isha: Caasimada Online. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Caasimada Online
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralshaqoxubnahabilaabaya
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.