Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Caasimada Onlinegeneral

Arrin halis ah oo aan lagu baraarugsaneyn oo ku soo korortay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Arrin cabsi iyo walaac badan leh ayaa muddooyinkii dambe lagu arkayay magaalada Muqdisho, taasoo lala xiriirinayo qaar ka mid ah shirkadaha dhismaha iyo injineerada ka shaqeeya dhismayaasha waaweyn ee magaalada. Qaar ka mid ah shirkadaha iyo injineerada dhismaha ayaa lagu eedeeyay inay khatar gelinayaan biyaha dhulka hoostiisa ee magaalada, iyagoo dadka […] The

SO
Sawir war oo la xiriira Arrin halis ah oo aan lagu baraarugsaneyn oo ku soo korortay magaalada Muqdisho
Sawir / xog muuqaal ah · Caasimada Online

Muqdisho ayaa lagu eedeeyay in shirkadaha dhismaha ay khatar gelinayaan biyaha dhulka hoostiisa, iyadoo haamaha bulaacadda aan si habboon loo faarujin muddo 10 ilaa 15 sano ah.

Maxaa la shaaciyey

  1. Shirkadaha dhismaha ayaa la sheegay inay ku xiraan haamaha bulaacadda ceelal qoto dheer si ay u kaydiyaan wasakhda.
  2. Dhaqankan ayaa khatar gelinaya caafimaadka iyo deegaanka, maadaama biyaha dhulka hoostiisa ay yihiin isha ugu weyn ee dadka Muqdisho.
  3. Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay'adaha kale ma aysan si buuxda u baraarugsaneyn khatarta ka dhalan karta arrintan.

Macnaha guud

Arrintan ayaa ka dhalatay burburka dowladdii dhexe sanadkii 1991, taasoo keentay in adeegyada fayadhowrka aan si nidaamsan loo maamulin.

Haddii aan si degdeg ah wax looga qaban, arrintan waxay noqon kartaa khatar qarsoon oo saameyn ku yeelata caafimaadka kumannaan qof.

Muqdisho

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan khataraha caafimaad iyo deegaan ee ka imaanaya dhaqankan, maadaama ay saameyn ku yeelan karto noloshooda.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Caasimada Online

Muqdisho (Caasimada Online) – Arrin cabsi iyo walaac badan leh ayaa muddooyinkii dambe lagu arkayay magaalada Muqdisho, taasoo lala xiriirinayo qaar ka mid ah shirkadaha dhismaha iyo injineerada ka shaqeeya dhismayaasha waaweyn ee magaalada.

Qaar ka mid ah shirkadaha iyo injineerada dhismaha ayaa lagu eedeeyay inay khatar gelinayaan biyaha dhulka hoostiisa ee magaalada, iyagoo dadka ay guryaha u dhisayaan kula heshiiya in haanta bulaacadda, ama buusaneerka musqusha, aysan buuxsami doonin muddo u dhexeysa 10 ilaa 15 sano, halkii si caadi ah looga faarujin lahaa saddexdii biloodba mar ama xilli kasta oo ay buuxsanto.

Si taas loo sameeyo, injineerada qaarkood ayaa la sheegay inay haanta bulaacadda ku xiraan ceel ama god aad u qoto dheer, kaas oo loo qaabeeyo in wasakhda adag ee saxarada ay meel gaar ah ku harto, halka biyaha wasakhaysan iyo kaadidu ay si toos ah ugu qulqulaan god hoos u sii dhacaya oo mararka qaar gaaraya 100 ilaa 120 mitir.

Arrintan ayaa ah khatar caafimaad iyo mid deegaan oo weyn, gaar ahaan marka la eego in biyaha dhulka hoostiisa ay yihiin isha ugu weyn ee ay dadka Muqdisho ka helaan biyaha ay cabbaan ama isticmaalaan. Dadka aqoonta u leh caafimaadka dadweynaha iyo biyaha dhulka hoostiisa ayaa fahmi kara in dhaqankan uu horseedi karo in wasakhdu ku faafto dhulka hoostiisa, isla markaana ay gaarto ceelasha ay shacabka isticmaalaan.

Isha: Caasimada Online. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Caasimada Online
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralmagaaladamuqdishoarrin
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.