Awoodda dhaqaale ee Daacish-ta Soomaaliya oo si weyn hoos ugu dhacday
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiAwoodda dhaqaale ee Daacish-ta Soomaaliya ayaa si weyn hoos ugu dhacday kadib markii howlgallada ciidamada Puntland iyo taageerada Mareykanka ay wiiqeen shabakado muhiim u ahaa ururinta iyo gudbinta lacagaha kooxda, sida ay sheegtay warbixin ka soo baxday Machadka Africa Center for Strategic Studies.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysayLacagahaas ayaa inta badan ka iman jiray baad iyo canshuuro sharci-darro ah oo laga qaado ganacsatada iyo ilo kale oo maaliyadeed.
- Warbixin cusub oo uu soo saaray Machadka Africa Center for Strategic Studies ayaa muujinaysa in Daacishta Soomaaliya ay hore u lahayd ilo dhaqaale oo xooggan, kuwaas oo u suurtageliyay inay hesho boqolaal kun oo dollar bishii.
- Xog uu Mareykanku horay u shaaciyay ayaa tilmaamaysa in kooxda ay sanadkii 2021 ururisay ku dhowaad 2.5 milyan oo dollar, halka lixdii bilood ee ugu horreeyay 2022 ay heshay lacag ku dhow laba milyan oo dollar.
- Doorka ugu weyn ee maareynta dhaqaalahaas waxaa la sheegay inay lahayd xarunta Al-Karrar ee Daacish, taas oo Soomaaliya u adeegsan jirtay meel lagu maareeyo laguna gudbiyo dhaqaalaha taageeraya laamaha kooxda ee Afrika iyo gobollo kale.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee ciidamada Puntland iyo Mareykanku qaadayaan si ay uga hortagaan Daacish?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Sanadkii 2021 Daacishta Soomaaliya ayaa ururisay ku dhowaad 2.5 milyan oo dollar.
- Dhibaato kale oo weyn ayaa kooxda soo wajahday sanadkii 2025, markii la qabtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf oo Mareykanku ku tilmaamay madaxa maaliyadda Daacish-Soomaaliya.
- Machidka Africa Center for Strategic Studies ayaa qiimeeyay in tallaabooyinkan ay si weyn u wiiqeen awoodda kooxda ee dakhli-abuurka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Boosaaso (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa wajahaysa hoos u dhac dhaqaale oo xooggan kadib markii howlgallada ciidamada Puntland iyo taageerada Mareykanka ay wiiqeen shabakado muhiim u ahaa ururinta iyo gudbinta lacagaha kooxda.
Warbixin cusub oo uu soo saaray Machadka Africa Center for Strategic Studies ayaa muujinaysa in Daacishta Soomaaliya ay hore u lahayd ilo dhaqaale oo xooggan, kuwaas oo u suurtageliyay inay hesho boqolaal kun oo dollar bishii.
Lacagahaas ayaa inta badan ka iman jiray baad iyo canshuuro sharci-darro ah oo laga qaado ganacsatada iyo ilo kale oo maaliyadeed.
Xog uu Mareykanku horay u shaaciyay ayaa tilmaamaysa in kooxda ay sanadkii 2021 ururisay ku dhowaad 2.5 milyan oo dollar, halka lixdii bilood ee ugu horreeyay 2022 ay heshay lacag ku dhow laba milyan oo dollar.
Doorka ugu weyn ee maareynta dhaqaalahaas waxaa la sheegay inay lahayd xarunta Al-Karrar ee Daacish, taas oo Soomaaliya u adeegsan jirtay meel lagu maareeyo laguna gudbiyo dhaqaalaha taageeraya laamaha kooxda ee Afrika iyo gobollo kale.
Warbixin Mareykan ah oo la soo saaray 2026 ayaa sidoo kale tilmaantay in xaruntani weli muhiim u tahay isku xirka dhaq-dhaqaaqa lacagaha ee shabakadda Daacish.
Dhibaato kale oo weyn ayaa kooxda soo wajahday sanadkii 2025, markii la qabtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf oo Mareykanku ku tilmaamay madaxa maaliyadda Daacish-Soomaaliya, sidoo kalena waxay dhaawacday nidaamkii ay kooxdu u adeegsan jirtay maareynta dakhliga iyo isku dubbaridka dhaqaalaha.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Mareykanka, Cabdiweli ayaa door ku lahaa dakhliga kooxda iyo fududeynta dhaq-dhaqaaqa lacagaha, dagaalyahannada iyo sahayda. Hawlahaas ayaa muhiim u ahaa sii wadista howlgallada Daacish iyo xiriirka ay la leedahay shabakaddeeda kale.
Dhanka kale, howlgallada ka dhanka ah Daacish ee Puntland oo billowday dabayaaqadii 2024 ayaa cadaadis dheeraad ah saaray ilihii dhaqaale ee kooxda, gaar ahaan shabakadaha baadda iyo canshuuraha sharci-darrada ah ee ay ka ururin jirtay ganacsatada iyo dadka ku nool deegaannada ay saameynta ku lahayd.
Machadka Africa Center for Strategic Studies ayaa qiimeeyay in tallaabooyinkan ay si weyn u wiiqeen awoodda kooxda ee dakhli-abuurka iyo fulinta howlgallada gudaha. Si kastaba, kooxda ayaan weli lumin dhammaan ilihii dhaqaale, waxaana jira fursad ay dib ugu dhisan karto qaybo ka mid ah shabakadeeda.
Si kastaba, hoos u dhaca dhaqaale ee Daacishta Soomaaliya ma tilmaamayo in kooxda gebi ahaanba laga adkaaday, iyadoo xogaha soo baxaya ay muujinaya inay weli haysato dhaqaale xaddidan oo ay ku sii wadi karto howlgallo kooban, isla markaana ay ilaalin karto xiriirrada qaar ee shabakaddeeda caalamiga ah.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Awoodda dhaqaale ee Daacish-ta Soomaaliya ayaa si weyn hoos ugu dhacday kadib markii howlgallada ciidamada Puntland iyo taageerada Mareykanka ay wiiqeen shabakado muhiim u ahaa ururinta iyo gudbinta lacagaha kooxda, sida ay sheegtay warbixin ka soo baxday Machadka Africa Center for Strategic Studies.
Qodobada muhiimka ah
- Awoodda dhaqaale ee Daacish-ta Soomaaliya ayaa si weyn hoos ugu dhacday kadib markii howlgallada ciidamada Puntland iyo taageerada Mareykanka ay wiiqeen shabakado muhiim u ahaa ururinta iyo gudbinta lacagaha kooxda.
- Sanadkii 2021 Daacishta Soomaaliya ayaa ururisay ku dhowaad 2.5 milyan oo dollar.
- Dhibaato kale oo weyn ayaa kooxda soo wajahday sanadkii 2025, markii la qabtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf oo Mareykanku ku tilmaamay madaxa maaliyadda Daacish-Soomaaliya.
- Machidka Africa Center for Strategic Studies ayaa qiimeeyay in tallaabooyinkan ay si weyn u wiiqeen awoodda kooxda ee dakhli-abuurka.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay sheegashooyinka Machadka Africa Center for Strategic Studies iyo mas'uuliyiinta Mareykanka iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Jawaab ka timid Daacish ama dhinacyada kale ee ku lugta leh ma ku jirto maqaalka.
- Tirooyinka khasaare iyo faahfaahinta howlgalka lama xaqiijin madax-bannaan.
Gunaanadka akhristaha
Hoos u dhaca dhaqaale ee Daacish-ta Soomaaliya wuxuu muujinayaa saameynta howlgalada milatari ee kooxaha xagjirka ah.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee ciidamada Puntland iyo Mareykanku qaadayaan si ay uga hortagaan Daacish?
- Sidee ayuu qabashada madaxa maaliyadda Daacish u saameyn doontaa howlgalada kooxda?
- Maxay yihiin cawaaqibka ka dhasha ilaha dhaqaale ee haray ee Daacish mustaqbalka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · hoos · soomaaliya · dhaqaale