Axmed Madoobe oo maanta dhoolatus ka sameeyay furimaha hore ee Jubaland + Sawirro
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maalinkii saddexaad ee Ciidul Adxaa booqasho ugu tagay ciidamada Daraawiishta Jubaland ee ku sugan aagga deegaanka Jannaa Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose. Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa furimaha hore kulan la qaatay saraakiisha iyo ciidamada, isaga oo warbixin ka dhageystay xaala

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maalinkii saddexaad ee Ciidul Adxaa booqasho ugu tagay ciidamada Daraawiishta Jubaland ee ku sugan aagga deegaanka Jannaa Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa furimaha hore kulan la qaatay saraakiisha iyo ciidamada, isaga oo warbixin ka dhageystay xaaladda amni iyo howlgallada ay ciidamadu ka wadaan deegaannada Jubaland.
Axmed Madoobe ayaa ciidamada uga mahadceliyey heeganka joogtada ah ee ay ugu jiraan difaaca deegaannada Jubaland iyo dadaallada ay ku bixinayaan xoreynta goobaha ay weli ku sugan yihiin kooxda Al-Shabaab.
Waxa uu sidoo kale ku ammaanay ciidamada Daraawiishta doorka ay ka qaadanayaan sugidda amniga, isagoo sheegay in naf-hurnimada ay sameynayaan ay muhiim u tahay xasilloonida iyo badbaadada shacabka reer Jubaland.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan