Baydhabo oo Dagaal Kooban Ka Dib Degtay, Xilli Xiisadda Siyaasadeed ee Koonfur Galbeed Sii Kordhayso
Baydhabo (WDN) – Magaalada Baydhabo ayaa dib ugu soo laabatay deganaansho kaddib dagaal culus oo saaka aroortii ka qarxay gudaha magaalada, kaas oo dhex maray ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan xarunta gobolka Baay. Dagaalka oo socday in ka badan... The post Baydhabo oo Dagaal Ko

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Baydhabo (WDN) – Magaalada Baydhabo ayaa dib ugu soo laabatay deganaansho kaddib dagaal culus oo saaka aroortii ka qarxay gudaha magaalada, kaas oo dhex maray ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan xarunta gobolka Baay.
Dagaalka oo socday in ka badan hal saac ayaa ka dhacay qaybo kala duwan oo magaalada ah, iyadoo rasaas xooggan iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan laga dareemay xaafado badan. Inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tirada khasaaraha ka dhashay iska horimaadka, wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inay jiraan dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii dagaallamay.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo gudaha Baydhabo ah, ciidamada taageersan Laftagareen ayaa markii dambe dib uga baxay magaalada, taasoo keentay in xaaladdu si tartiib tartiib ah ugu soo noqoto degganaansho.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ka gadaal dagaalka Baydahbo, si degdeg ku jiro ay Dowlaadda Federaalka ay durbadiiba la dhaariyay Xildhabaano Koonfur Galbeed. Qorshahaasi oo ay la dhaariyay xildhabaanadii Koonfur Galbeed.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Wardheer News
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan