Beesha Caalamka oo Walaac xoogan ka muujisay xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya
MUQDISHO – Beesha caalamka ayaa muujisay walaac ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, iyadoo ku baaqday in dhinacyada dowladda iyo Mucaaradka ay si degdeg ah dib ugu bilaabaan wada hadallada isla markaana ay gaaraan heshiis ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka. Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen Maanta ayay saaxiibada Soomaaliya ku sheegeen inay […]

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
MUQDISHO – Beesha caalamka ayaa muujisay walaac ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, iyadoo ku baaqday in dhinacyada dowladda iyo Mucaaradka ay si degdeg ah dib ugu bilaabaan wada hadallada isla markaana ay gaaraan heshiis ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.
Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen Maanta ayay saaxiibada Soomaaliya ku sheegeen inay diyaar u yihiin inay taageeraan, islamarkaana ay dhex-dhexaadiyaan wada hadallada haddii loo baahdo, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la helo heshiis u adeegaya danaha shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay sida ugu dhaqsaha badan dib ugu bilaabaan wada hadallada, isla markaana ay si degdeg ah is-afgarad uga gaaraan hannaanka doorashooyinka,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Dowladaha Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan danaha qaranka kana fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta sii kororka xiisadaha siyaasadeed xilli ay ku tilmaameen marxaladda xasaasiga ah ee uu dalka marayo hadda mid aan la aqbali karin.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan