Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Wardheer Newsgeneral

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

(ERGO) – Hakadka ku yimid isticmaalka lacagta shilinka soomaaliga ayaa nolol xumo biday qoyska Xabiibo Cabdiraxmaan Cali oo barakac ku ah Muqdisho, kuwaas nolol-maalmeedka ka helayay dukaan il-dhaqaale u ahaa. Ganacsigan wuxuu ka xirmay 17 bishan April, markii laga diiday in ay ku soo adeegato shan milyan oo kayd ahaan ay u haystay, taas oo... The post Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay haka

SO
Sawir war oo la xiriira Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Sawir / xog muuqaal ah · Wardheer News

Hakadka ku yimid isticmaalka lacagta shilinka soomaaliga ayaa nolol xumo biday qoyska Xabiibo Cabdiraxmaan Cali oo barakac ku ah Muqdisho.

Maxaa la shaaciyey

  1. Xabiibo waxay sheegtay in ganacsigeeda uu xirmay 17 bishii April, taasoo keentay in ay waayso dakhli maalinle ah oo gaarayay 200 kun oo shilin soomaali ah.
  2. Carruurteeda oo toddobo ah ayaa la daalaadhacaya cunno nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aanta.
  3. Xabiibo waxay ka cabanaysaa diidmada lacagta shilinka, taasoo caqabad ku noqotay in ay dib u furto ganacsigeeda.

Macnaha guud

Hakadka isticmaalka lacagta shilinka soomaaliga ayaa saameyn weyn ku yeeshay ganacsiyada yaryar ee ku yaalla xeryaha barakacayaasha.

“Markii hore labada waqti iyo sida aan rabno ayaan wax u isticmaali jirnay. Hadda oomada aan dharka ku dhaqan laheyd xitaa way naga go’an tahay oo cariiri ayaan ku jirnaa.”

Xabiibo Cabdiraxmaan Cali
Muqdisho
2026-05-14

Sababta ay muhiim u tahay: Qoysaska barakacayaasha ah ayaa wajahaya dhibaatooyin dhaqaale oo daran, taasoo saameyn ku yeelanaysa noloshooda iyo waxbarashada carruurtooda.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Wardheer News

(ERGO) – Hakadka ku yimid isticmaalka lacagta shilinka soomaaliga ayaa nolol xumo biday qoyska Xabiibo Cabdiraxmaan Cali oo barakac ku ah Muqdisho, kuwaas nolol-maalmeedka ka helayay dukaan il-dhaqaale u ahaa.

Ganacsigan wuxuu ka xirmay 17 bishan April, markii laga diiday in ay ku soo adeegato shan milyan oo kayd ahaan ay u haystay, taas oo keentay in albaabada ay u laabto meheradeeda oo laga wayay khudaar iyo bagaash ay ku iibinaysay.

Waxaa la mid ah boqollaal qoys oo ganacsiyo yaryar ku dhex leh xeryaha lagu barakacay, kuwaas oo maarayn waayay nolosha iyo waxbarashada carruurtooda. Waxay ahaayeen kuwa horay u la il-darnaa saamaynta xaaladda barakaca.

Xabiibo waxay ganacsigeeda maalinle uga heli jirtay 200 kun oo shilin soomaali ah oo u dhiganta $7, taas oo hadda meesha ka baxday. Waxay sheegtay in carruurteeda oo toddobo ah ay la daalaadhacayaan cunno nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aanta.

Isha: Wardheer News. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Wardheer News
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Kalsooni
Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralxumoburburyimid
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.