Calooshood u shaqeystayaal Mareykan ah oo uu leeyahay Erik Prince oo lagu laayey dalka…
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiCalooshood u shaqeystayaal Mareykan ah oo uu leeyahay Erik Prince ayaa lagu weeraray bariga Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, taasoo keentay khasaare.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinSi kastaba, saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay xiriir dhow la yeeshaan shirkadda Vectus Global marka ay timaaddo howlgallada Haiti.
- Weerarka oo dhacay 17-kii September, gobolka South Kivu, ayaa lagu dilay ugu yaraan toddoba qof oo u dhashay Congo iyo askari hore oo ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee New Zealand, sida ay wakaaladda Reuters u sheegeen ilo la shaqeeya dowladda Congo iyo kuwo xog-ogaal u ah howlgalka shirkadda.
- Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah Tim Kennedy, oo hore uga tirsanaa ciidamada gaarka ah ee Mareykanka, kana mid ahaa dagaalyahannadii caanka ahaa ee tartanka UFC, iyo shaqaale kale oo ajnabi ah oo ka tirsanaa shirkadda.
- Saddex ilo-wareed ayaa Reuters u sheegay in Kennedy ay saddex xabbadood kaga dhaceen lugta, balse uu ka badbaaday weerarka.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee lagu qaadayo ka dib dhacdadan?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ugu yaraan toddoba qof oo u dhashay Congo iyo askari hore oo ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee New Zealand ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.
- Tim Kennedy, oo hore uga tirsanaa ciidamada gaarka ah ee Mareykanka, kana mid ahaa dagaalyahannadii caanka ahaa ee tartanka UFC, ayaa ka mid ah dadka dhaawacmay.
- Weerarkan ayaa iftiimiyey doorka sii ballaaranaya ee Erik Prince, oo ah xulufo iyo taageere madaxweyne Donald Trump, uu ku leeyahay colaadda bariga Congo.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Kinshasa (Caasimada Online) – Ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah oo ka tirsan shirkadda amniga gaarka loo leeyahay ee Vectus Global, oo uu leeyahay Erik Prince, aasaasihii shirkaddii caanka ahayd ee Blackwater, ayaa khasaare culus kala kulmay weerar gaadmo ah oo ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca ku dhowaad 20 qof.
Weerarka oo dhacay 17-kii September, gobolka South Kivu, ayaa lagu dilay ugu yaraan toddoba qof oo u dhashay Congo iyo askari hore oo ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee New Zealand, sida ay wakaaladda Reuters u sheegeen ilo la shaqeeya dowladda Congo iyo kuwo xog-ogaal u ah howlgalka shirkadda.
Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah Tim Kennedy, oo hore uga tirsanaa ciidamada gaarka ah ee Mareykanka, kana mid ahaa dagaalyahannadii caanka ahaa ee tartanka UFC, iyo shaqaale kale oo ajnabi ah oo ka tirsanaa shirkadda.
Saddex ilo-wareed ayaa Reuters u sheegay in Kennedy ay saddex xabbadood kaga dhaceen lugta, balse uu ka badbaaday weerarka. Waxaa hadda lagu daweynayaa xarunta caafimaadka militariga Mareykanka ee Walter Reed, oo ku taalla duleedka Washington.
Reuters ayaa sheegtay inay la hadashay ugu yaraan 10 ilo-wareed oo qaarkood si toos ah ula socdeen weerarka, halka kuwa kalena laga war-geliyey wixii dhacay.
Weerarkan ayaa iftiimiyey doorka sii ballaaranaya ee Erik Prince, oo ah xulufo iyo taageere madaxweyne Donald Trump, uu ku leeyahay colaadda bariga Congo, halkaas oo shirkaddiisa Vectus Global ay ka waddo howlgallo amni oo ay ku taageereyso dowladda dalkaas.
Tuhun ku saabsan ciidamada Rwanda
Ilo la shaqeeya dowladda Congo ayaa sheegay inay suurtagal tahay in ciidamada Rwanda ee taageera fallaagada M23 ay ka dambeeyeen weerarka, iyagoo tilmaamay in kooxda la weeraray laga yaabo in lagu raadjoogay diyaarad aan duuliye lahayn oo ay u adeegsanayeen howlgallada sahanka.
Mid ka mid ah ilaha sida tooska ah ula socday dhacdada ayaa sheegay in kooxda Vectus Global ay u kala safraysay goobo kala duwan markii gaadmadu dhacday.
Waxa uu intaas ku daray in qaabka loo qorsheeyey loona fuliyey weerarka uu muujinayo suurtagalnimada inay ku lug lahaayeen ciidamo Rwanda ka socda.
Laba ilo-wareed oo kale ayaa si toos ah ciidamada Rwanda ugu eedeeyey inay fuliyeen weerarka.
“Arrintani waxay sii xoojinaysaa baahida loo qabo in dib loo soo celiyo madax-bannaanida Congo. Waa meel aad khatar u ah xilligan,” ayuu yiri mid ka mid ah ilaha xog-ogaalka u ahaa howlgalka.
Hase yeeshee, eedeymahan si madax-bannaan looma xaqiijin. Afhayeenno u hadlay dowladaha Congo iyo Rwanda, iyo kooxda M23, ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo ay Reuters u dirtay oo ay ku weydiisatay inay ka hadlaan dhacdada.
Ilo amni oo Congo ka tirsan ayaa sidoo kale sheegay in dadka deegaanka ay suurtagal tahay inay ku jiraan dadkii ku dhintay ama ku dhaawacmay weerarka.
Shirkadda Vectus Global ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho dhacdada, halka ilo xog-ogaal ah ay sheegeen in tani ay tahay markii ugu horreysay ee shirkaddu khasaare noocan ah kala kulanto howlgalladeeda Congo.
Doorka shirkadda Erik Prince ee Congo
Erik Prince ayaa markii hore Congo u tegay heshiis la xiriira sugidda amniga iyo hagaajinta dakhliga dowladda ka soo gala macdanta, oo ah il dhaqaale oo muhiim ah, balse muddo tobannaan sano ah ay saameeyeen boob, tahriib iyo colaado hubeysan.
Hase yeeshee, howlaha shirkaddiisa ayaa markii dambe ka gudbay ilaalinta dakhliga macdanta, iyagoo gaaray taageerada amniga iyo howlgallada ka socda goobaha dagaalka.
Bilihii January iyo February ee sanadkan, ciidamo ka tirsan Vectus Global ayaa la geeyey magaalada istaraatiijiga ah ee Uvira, oo ku taalla gobolka South Kivu, kaddib markii Mareykanku gacan ka geystay heshiis lagu doonayey in fallaagada M23 ee Rwanda taageerto ay uga baxdo magaalada.
Ciidamada Prince ayaa xilligaas ka caawiyey militariga Congo sugidda amniga Uvira, iyadoo fallaagada M23 ay weli gacanta ku hayso dhul ballaaran oo ku yaalla bariga dalka.
Lama oga tirada guud ee ciidamada iyo shaqaalaha amniga ee Prince uu ka hawlgeliyey Congo, balse weerarkii September ayaa muujinaya khatarta ay wajahayaan ciidamada shisheeye ee ka qayb qaadanaya colaadda.
Prince ayaa hore u aasaasay shirkaddii militariga gaarka loo lahaa ee Blackwater, taas oo sumcad-xumo weyn kala kulantay howlgalladii ay ka fulisay Ciraaq. Qaar ka mid ah shaqaalaheeda oo lagu helay dilka dad rayid ah oo Ciraaqiyiin ah ayaa cafis ka helay Trump sanadkii 2020.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa hore u sheegtay inaysan wax heshiis ah Congo kula lahayn Prince. Si kastaba, saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay xiriir dhow la yeeshaan shirkadda Vectus Global marka ay timaaddo howlgallada Haiti.
Colaadda Congo iyo faragelinta Rwanda
Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dadaallada Mareykanku uu ku doonayo inuu ku soo afjaro colaadda bariga Congo ay weli wajahayaan caqabado waaweyn.
Maamulka Trump ayaa dhexdhexaadiyey heshiisyo lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadda u dhexeysa Congo iyo Rwanda, iyadoo heshiiska bixitaanka fallaagada M23 ee Uvira uu qayb ka ahaa dadaalladaas.
Hase yeeshee, colaadda ayaa weli ka taagan qaybo badan oo bariga Congo ah, gaar ahaan deegaannada hodanka ku ah macdanta qaaliga ah ee ay ka mid yihiin dahabka, lithium-ka iyo tantalum-ka.
Qaramada Midoobay iyo dalalka reer Galbeedka ayaa Rwanda ku eedeeya inay taageero militari siiso kooxda M23, isla markaana ay saameyn toos ah ku leedahay hoggaankeeda iyo howlgalladeeda. Rwanda ayaa si joogto ah u beenisa eedeymahaas.
Dagaallada ayaa si weyn u xoogaystay horraantii 2025, markaas oo fallaagada M23 ay qabsatay dhul ballaaran oo ku yaalla bariga Congo.
Dhanka kale, dhaawaca Tim Kennedy ayaa soo jiitay indhaha warbaahinta Mareykanka, maadaama uu yahay dagaalyahan hore oo UFC ah, isla markaana leh barnaamijyo caan ah oo internet-ka laga daawado iyo malaayiin taageerayaal ah oo baraha bulshada ku xiran.
Kennedy, oo ah aabbe leh afar carruur ah, ayaa si joogto ah uga hadla arrimaha siyaasadda, dhaqanka iyo tababarka jirka. Hase yeeshee, ma uusan shaacin faahfaahin ku saabsan safarkiisa Congo ka hor weerarka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka iyo isbitaalka Walter Reed ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan dhaawaciisa, halka waalidkiis aysan ka jawaabin codsiyo loo diray.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Calooshood u shaqeystayaal Mareykan ah oo uu leeyahay Erik Prince ayaa lagu weeraray bariga Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, taasoo keentay khasaare.
Qodobada muhiimka ah
- Ugu yaraan toddoba qof oo u dhashay Congo iyo askari hore oo ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee New Zealand ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.
- Tim Kennedy, oo hore uga tirsanaa ciidamada gaarka ah ee Mareykanka, kana mid ahaa dagaalyahannadii caanka ahaa ee tartanka UFC, ayaa ka mid ah dadka dhaawacmay.
- Weerarkan ayaa iftiimiyey doorka sii ballaaranaya ee Erik Prince, oo ah xulufo iyo taageere madaxweyne Donald Trump, uu ku leeyahay colaadda bariga Congo.
- Ilo la shaqeeya dowladda Congo ayaa sheegay inay suurtagal tahay in ciidamada Rwanda ee taageera fallaagada M23 ay ka dambeeyeen weerarka.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay warbixinno ka yimid ilo aan la magacaabin oo ku saabsan ka qaybgalka ciidamada Rwanda.
- Dowladaha Congo iyo Rwanda ma aysan bixin jawaab degdeg ah oo ku saabsan dhacdadan.
- Maqaalku ma xaqiijinayo tirada guud ee khasaare ama xaaladaha saxda ah ee weerarka.
Gunaanadka akhristaha
Weerarku wuxuu muujinayaa khataraha joogtada ah ee ay la kulmaan shaqaalaha amniga gaarka loo leeyahay ee ku sugan goobaha colaadaha.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee lagu qaadayo ka dib dhacdadan?
- Sidee ayey tani u saameyn doontaa howlaha Erik Prince ee Congo mustaqbalka?
- Maxay yihiin tallaabooyinka la qaadayo si loo hubiyo badbaadada shaqaalaha markab ee gobolka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · calooshood · erik · shaqeystayaal