Ciidamada Dowladda oo dhaqdhaqaaqyo kawada Duleedka magaalada Baydhabo
Baydhabo, Soomaaliya – Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Cirro, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Qaranka ayaa kormeer dhiirigelin ah ku tegay fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan duleedka magaalada Baydhabo. Mas’uuliyiinta ayaa c

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Baydhabo, Soomaaliya – Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Cirro, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Qaranka ayaa kormeer dhiirigelin ah ku tegay fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan duleedka magaalada Baydhabo.
Mas’uuliyiinta ayaa ciidamada ku bogaadiyey doorka ay ka qaadanayaan sugidda amniga iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ku ammaanay dadaallada ay ku wajahaan kooxaha Al-Shabaab. Waxay sidoo kale fariin u direen maleeshiyaadka ku sugan deegaannada duurka ah, iyagoo ugu baaqay inay hubka dhigaan isla markaana isu soo dhiibaan dowladda.
Kormeerkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka socda duleedka Baydhabo, halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda iyo ciidamo taageersan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).
Xiisaddan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo amniga guud ee magaalada Baydhabo, gaar ahaan iyadoo la filayo in halkaasi ay dhawaan ka dhacaan doorashooyinka Guddoonka golaha wakiilada iyo tan Madaxweynaha maamulkaasi.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan