Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediasecurity

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay Shabeellaha Dhexe

SHABEELLADA DHEXE – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyay deegaannada Jabad Carbeyd iyo Dabagaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka ayaa waxaa fuliyay Ururka 195-aad ee Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor, waxaana lagu sheegay in ujeedkiisu ahaa xoojinta amniga iyo ka hortagga falalka ay maleeshiyaadka Al-Shabaab [&#82

SO
Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay Shabeellaha Dhexe
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

SHABEELLADA DHEXE – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyay deegaannada Jabad Carbeyd iyo Dabagaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ayaa waxaa fuliyay Ururka 195-aad ee Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor, waxaana lagu sheegay in ujeedkiisu ahaa xoojinta amniga iyo ka hortagga falalka ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka wadaan qeybo ka tirsan gobolka.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu baacsanayo firxadka Al-Shabaab, kuwaas oo lagu eedeeyo inay carqaladeeyaan nabadda iyo xasilloonida dalka.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa maalmahan sii xoojiyay howlgallada militari ee ka socda Shabeellaha Dhexe, iyadoo lagu beegsanayo sida ay sheegeen goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha hubeysan.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliasecuritysecurityfuliyayshabaab
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.