Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgallo amni ka fuliyey deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe
Shabeellaha Dhexe – Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida ka fuliyey deegaanno dhowr ah oo hoostaga Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku baarayeen fariisimaha iyo goobaha ay ku dhuumaaleystaan haraadiga kooxda Al-Shabaab. Howlgalkan oo ay iska kaashadeen guutooyinka kala duwan ee ciidanka, ayaa [&

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Shabeellaha Dhexe – Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida ka fuliyey deegaanno dhowr ah oo hoostaga Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku baarayeen fariisimaha iyo goobaha ay ku dhuumaaleystaan haraadiga kooxda Al-Shabaab.
Howlgalkan oo ay iska kaashadeen guutooyinka kala duwan ee ciidanka, ayaa waxaa si gaar ah u fuliyey Ururka 164-aad ee Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab. Deegaannada rasmiga ah ee ciidanku ay ka sameeyeen baaritaannada iyo roondooyinka amniga ayaa waxaa ka mid ah Garas Dheere, Jariirow, iyo Dabayley oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Taliska Ururka 164-aad oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in kormeerka iyo baaritaannada ay u dhaceen sidii loogu talagalay, ujeedkuna uu yahay in laga hortago isku-day kasta oo ay kooxda Al-Shabaab ku doonayso inay ku qalqal-geliso nabadgelyada dadka deegaanka.
Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa carrabka ku dhuftay in ciidanka Danab ay sii wadi doonaan dhaqdhaqaaqyada caynkan ah ilaa si buuxda looga nadiifiyo deegaannadaas haraadiga kooxda, si shacabku ay u helaan jawi deggan oo ay ku ganacsadaan kuna noolaadaan.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan