Ciidanka Xoogga Dalka oo Sheegay inay Hub iyo Gaadiid Dagaal ku Qabsadeen Dagaalkii Baydhabo
Baydhabo, Soomaaliya – Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay la wareegeen hub iyo gaadiid dagaal intii uu socday dagaal saaka ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. War ka soo baxay taliska ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ay dib u xakameeyeen goobihii lagu dagaallamay, islamarkaana ay ka […]

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Baydhabo, Soomaaliya – Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay la wareegeen hub iyo gaadiid dagaal intii uu socday dagaal saaka ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
War ka soo baxay taliska ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ay dib u xakameeyeen goobihii lagu dagaallamay, islamarkaana ay ka saareen ciidamo ay ku tilmaameen kuwa daacad u ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), kuwaas oo sida ay sheegeen hore ula wareegay qaybo ka mid ah magaalada.
Taliska Qeybta 60-aad ayaa sidoo kale sheegay in xaaladda amni ee Baydhabo ay hadda deggen tahay, iyadoo ciidamada dowladda ay gacanta ku hayaan goobihii uu iska horimaadku ka dhacay.
Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyey in saaka magaalada laga maqlayey rasaas culus iyo hubka noocyadiisa kala duwan, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan