Ciro oo Bay ku adkeeyay: Dadaallada lagu ciribtirayo Khawaarijta waa la laba jibbaarinayaa
Ciro oo amniga Bay ku xoojiyay wada shaqeyn Baydhabo, 25 May 2026 – Sarreeye Guuto Cabdullaahi Xuseen Aadan (Ciro), Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay iyo xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga ee ka howlgala gobolka, si loo adkeeyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta. […]
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Ciro oo amniga Bay ku xoojiyay wada shaqeyn
Baydhabo, 25 May 2026 – Sarreeye Guuto Cabdullaahi Xuseen Aadan (Ciro), Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay iyo xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga ee ka howlgala gobolka, si loo adkeeyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.
Gobolka Bay ayaa ka mid ah deegaannada ugu howlaha badan Khawaarijta, waxaana muhiim ah in ciidamada kala duwan – oo ay ka mid yihiin Xoogga Dalka, Booliska, NISA iyo Asluubta – ay si wadajir ah u wada shaqeeyaan. Kulankan ayaa lagu tiriyaa mid muhiim ah si loo mideeyo dadaallada lagu ciribtirayo argagixisada.
“Waxaan ku bogaadinayaa saraakiisha doorkooda ku aaddan sugidda amniga,” ayuu yiri Taliye Ciro intii uu shirka ka hadlayay. “Waa in la laba jibbaaro dadaallada lagu xaqiijinayo amniga guud ee gobolka iyo la dagaallanka Khawaarijta.”
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Radio Dalsan
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan