Daawo: FBI oo hab yaab leh u qabatay Soomaali baxsad ka ahaa kiiska Minnesota
Minneapolis (Caasimada Online) – Eedeysane kabo-la’aan ku baxsaday, oo lala xiriirinayo kiis khayaano caafimaad oo ka badan $90 milyan oo ka dhacay gobolka Minnesota, ayaa la qabtay saacado kadib markii uu ka cararay ciidamada FBI-da, xilli muuqaal ay duubtay kaamirada CCTV-ga uu muujiyay isagoo hal kab gacanta ku haysta, lugna ka dhutinaya. Muhammad Abdulqadir Omar, […] The post Daawo

Muhammad Abdulqadir Omar, oo 32 jir ah, ayaa la qabtay kadib markii uu ka baxsaday ciidamada FBI-da, isagoo ku eedeysan khayaano caafimaad oo ka badan $90 milyan oo ka dhacay Minnesota.
Maxaa la shaaciyey
- Omar ayaa ka booday balkoon si uu uga baxsado xarigga, isagoo dhaawac ah.
- 15 qof ayaa lagu soo oogay eedeymo khayaano caafimaad oo la xiriira barnaamijyada Medicaid.
- Omar iyo Ibrahim Bashir Abdi ayaa lagu eedeeyay inay maamulayeen shirkado gudbiyay sheegashooyin been abuur ah.
Macnaha guud
Baxsashada Omar ayaa dhacday xilli baaritaan la fulinayay oo la xiriira khayaano caafimaad.
“Farriinta aan u dirayo khayaanoolayaasha waa tan: maanta cuna, cabba, oo farxa, sababtoo ah maalmaha damaashaadkiinna iyo xorriyaddiinna way kooban yihiin.”
Sababta ay muhiim u tahay: Qoraalkan wuxuu muujinayaa sida khayaanada caafimaad ay u saameyneyso bulshada, gaar ahaan barnaamijyada dowladda.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Minneapolis (Caasimada Online) – Eedeysane kabo-la’aan ku baxsaday, oo lala xiriirinayo kiis khayaano caafimaad oo ka badan $90 milyan oo ka dhacay gobolka Minnesota, ayaa la qabtay saacado kadib markii uu ka cararay ciidamada FBI-da, xilli muuqaal ay duubtay kaamirada CCTV-ga uu muujiyay isagoo hal kab gacanta ku haysta, lugna ka dhutinaya.
Muhammad Abdulqadir Omar, oo 32 jir ah, kana soo jeeda Roseville, Minnesota, ayaa ka mid ah 15 qof oo lagu soo oogay eedeymo la xiriira khayaano lagu bartilmaameedsaday barnaamijyada Medicaid ee gobolka Minnesota. Omar ayaa lagu eedeeyay inuu ka booday balkoon ku yaalla dabaqa afraad ee dhisme si uu uga baxsado xarigga, sida uu sheegay Agaasimaha FBI-da Kash Patel.
“Kadib shirkii jaraa’id ee ay maanta si wadajir ah u qabteen hay’adaha kala duwan, kaas oo lagu shaaciyay 15 eedeyn oo la xiriira khayaano ka dhan ah barnaamijyada caafimaadka dadweynaha ee Minnesota, qofka hoos ku xusan ee baxsadka ahaa, Muhammad Omar, hadda waa la xiray,” ayuu Patel ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa X, isagoo raaciyay sawir muujinaya eedeysanaha oo dhutinaya, gacantana ku haya hal kab.
Patel ayaa sheegay in Omar lagu soo oogay eedeymo la xiriira khayaano caafimaad, oo hoos imaanaya qodobbada 18 U.S.C. § 1349 iyo 18 U.S.C. § 1347. Eedeymaha ayaa la xiriira shirkad ka shaqeynaysay Adeegyada Dejinta Guryaha, ama Housing Stabilization Services, taas oo lagu eedeeyay inay gudbisay sheegashooyin been abuur ah oo ku saabsan adeegyo aan la bixin, isla markaana lacagaha ka soo baxay loo weeciyay dano shakhsi ah.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan