Daawo: Natiijada doorashada HirShabelle oo la shaaciyay
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiNatiijada doorashada HirShabelle ayaa lagu shaaciyay Jowhar, iyadoo doorashadu ka dhacday 10 degmo.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariim Axmed Xasan ayaa sheegay in doorashadu ka qabsoontay 10 degmo, iyadoo tartanka ay ka qayb galeen 13 urur siyaasadeed oo ku loollamay 99 kursi oo Golaha Wakiillada ah.
- Tirada guud ee codadka la dhiibtay ayaa gaartay 114,633, waxaana guddigu sheegay in 112,451 kamid ah ay ahaayeen codad ansax ah, halka 2,182 cod loo aqoonsaday kuwo aan ansax ahayn.
- Natiijada la shaaciyay ayaa muujineysa in ururka Caddaaladda iyo Midnimadda uu ku guuleystay 759 cod iyo hal kursi, halka Madalsan uu isna helay 911 cod iyo hal kursi.
- Ururka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa helay 122 cod iyo hal kursi, halka Dimuqraadiga Soomaaliyeed uu ku guuleystay 2,368 cod iyo laba kursi.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaaday si loo hubiyo in doorashadu si nabdoon loo qabtay?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Tirada guud ee codadka la dhiibtay ayaa gaartay 114,633, waxaana guddigu sheegay in 112,451 kamid ah ay ahaayeen codad ansax ah, halka 2,182 cod loo aqoonsaday kuwo aan ansax ahayn.
- Ururka Caddaaladda iyo Midnimadda uu ku guuleystay 759 cod iyo hal kursi.
- Doorashadan ayaa qayb ka ah hannaanka doorashooyinka qof iyo cod ee Soomaaliya, iyadoo guddigu sheegay in doorashooyinku ay u dhaceen si nabdoon oo xor ah.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Jowhar (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta magaalada Jowhar kaga dhawaaqay natiijada doorashadii maalmo kahor ka dhacday deegaannada Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.
Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariim Axmed Xasan ayaa sheegay in doorashadu ka qabsoontay 10 degmo, iyadoo tartanka ay ka qayb galeen 13 urur siyaasadeed oo ku loollamay 99 kursi oo Golaha Wakiillada ah.
Tirada guud ee codadka la dhiibtay ayaa gaartay 114,633, waxaana guddigu sheegay in 112,451 kamid ah ay ahaayeen codad ansax ah, halka 2,182 cod loo aqoonsaday kuwo aan ansax ahayn.
Natiijada la shaaciyay ayaa muujineysa in ururka Caddaaladda iyo Midnimadda uu ku guuleystay 759 cod iyo hal kursi, halka Madalsan uu isna helay 911 cod iyo hal kursi.
Ururka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa helay 122 cod iyo hal kursi, halka Dimuqraadiga Soomaaliyeed uu ku guuleystay 2,368 cod iyo laba kursi.
Caddaaladda iyo Wadajir ayaa noqday ururka ugu codadka badan, isagoo helay 88,130 cod iyo 78 kursi halka Dadka Soomaaliyeed uu helay 113 cod, balse uusan wax kursi ah ku guuleysan.
Sidoo kale, Ururka Iftiin Qaran ayaa helay 6,165 cod iyo shan kursi, halka Karaama uu helay 6,875 cod iyo lix kursi.
Ururka Saab ayaa sidoo kale helay 120 cod, balse uusan wax kursi ah ku guuleysan, halka Dan Shacab uu isna helay 51 cod, mana helin wax kursi ah.
Ururka Sincad ayaa helay 3,701 cod iyo saddex kursi, halka Dhallinyarada Talo-Qaran ay heleen 97 cod, balse uusan wax kursi ah ku guuleysan. Ugu dambeyn Ururka Ramaas ayaa isna helay 1,939 cod iyo laba kursi.
Doorashadan ayaa qayb ka ah hannaanka doorashooyinka qof iyo cod ee Soomaaliya, iyadoo guddigu sheegay in doorashooyinku ay u dhaceen si nabdoon oo xor ah.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa sidoo kale sheegay in howlaha ka socda dowlad-goboleedyada iyo Banaadir ay qayb ka yihiin diyaar-garowga doorashooyinka heer federaal ee Soomaaliya.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Natiijada doorashada HirShabelle ayaa lagu shaaciyay Jowhar, iyadoo doorashadu ka dhacday 10 degmo.
Qodobada muhiimka ah
- Natiijada doorashada HirShabelle ayaa lagu shaaciyay Jowhar, iyadoo doorashadu ka dhacday 10 degmo.
- Tirada guud ee codadka la dhiibtay ayaa gaartay 114,633, waxaana guddigu sheegay in 112,451 kamid ah ay ahaayeen codad ansax ah, halka 2,182 cod loo aqoonsaday kuwo aan ansax ahayn.
- Ururka Caddaaladda iyo Midnimadda uu ku guuleystay 759 cod iyo hal kursi.
- Doorashadan ayaa qayb ka ah hannaanka doorashooyinka qof iyo cod ee Soomaaliya, iyadoo guddigu sheegay in doorashooyinku ay u dhaceen si nabdoon oo xor ah.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan natiijooyinka doorashada.
- Lama helin wax jawaab ah oo ka timid xisbiyada kale ama kormeerayaasha.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaannada Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
Gunaanadka akhristaha
Natiijooyinka doorashada HirShabelle waxay muujinayaan jawi siyaasadeed oo tartan leh oo ay ka qayb qaadanayaan xisbiyo badan.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaaday si loo hubiyo in doorashadu si nabdoon loo qabtay?
- Sidee natiijooyinkan u saameyn doonaan xaaladda siyaasadeed ee HirShabelle?
- Maxay yihiin tallaabooyinka xiga ee hannaanka doorashada Soomaaliya?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · hirshabelle · natiijada · daawo
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada