Dagaal Culus oo u dhexeeya ciidamada dowlada iyo kuwa taabacsan Lafta gareen oo ka dhacay Baydhabo
Baydhabo – Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in saaka uu halkaasi ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamo kala taabacsan dhinacyo iska soo horjeeda. Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan magaalada, ciidamada daacadda u ah Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa […]

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Baydhabo – Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in saaka uu halkaasi ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamo kala taabacsan dhinacyo iska soo horjeeda.
Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan magaalada, ciidamada daacadda u ah Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa weerar ku qaaday qeybo ka mid ah Baydhabo, iyadoo la sheegay in ay la wareegeen meelo muhiim ah oo magaalada kamid ah.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu billowday salaaddii Subax, wuxuuna ku fiday xaafado dhowr ah, iyadoo rasaas culus laga maqlayo agagaarka saldhigga booliiska ee magaalada.
Wararka hordhaca ah ayaa sidoo kale tilmaamaya in dad rayid ah ay bilaabeen inay ka barakacaan goobaha ay colaaddu saameysay, sababo la xiriira cabsi amni iyo rasaasta socota.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan