Dakhliga Kastamka Soomaaliya oo Hoos U Dhacay Ku Dhawaad 40% Sababo la Xiriira xirnaanta Marinka Hormuz
Waxa dhacay
70 ilbiriqsiDakhliga kastamka Soomaaliya ayaa la sheegay inuu hoos u dhacay ku dhawaad 40% sababo la xiriira carqaladaha ka jira Marinka Hormuz, taasoo si weyn u saameysay dhaqaalaha dalka.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysaySoomaaliya waxay xilligan wajahaysaa duruufo dhaqaale iyo bani’aadannimo oo is-biirsaday, iyadoo kororka qiimaha badeecooyinka iyo shidaalka uu ku soo beegmay xilli dalka ay ka jiraan caqabado la xiriira cunto-yarida iyo awoodda qoysaska danyarta ah ee wax iibsiga.
- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in carqaladaha ku yimid isu-socodka badeecadaha iyo maraakiibta ay si toos ah u saameeyeen dakhliga dowladda iyo dhaqaalaha guud ee Soomaaliya.
- Hoos-u-dhaca dakhliga kastamka ayaa ku soo beegmay xilli Soomaaliya ay si weyn ugu tiirsan tahay badeecooyinka dibadda laga keeno, taas oo ka dhigaysa carqaladaha silsiladaha sahayda iyo kororka kharashaadka gaadiidka kuwo si toos ah u saameeya suuqa gudaha.
- Dhibaatada kuma eka dakhliga dowladda oo keliya, waxaana sidoo kale sare u kacay qiimaha cuntada, shidaalka iyo gaadiidka , halka kharashaadka la xiriira caymiska iyo dhoofinta badeecadaha ay kordheen.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa caqabadaha dhaqaale ee Soomaaliya ka dhashay carqaladaha dibadda, taasoo sii xumeyn karta dhibaatooyinka bani'aadannimo ee dalka.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee dowladda Soomaaliya qorsheyneyso si ay uga jawaabto hoos-u-dhaca dakhliga?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dakhliga kastamka Soomaaliya ayaa hoos u dhacay ku dhawaad 40% sababo la xiriira carqaladaha ka jira marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz.
- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in carqaladaha ku yimid isu-socodka badeecadaha iyo maraakiibta ay si toos ah u saameeyeen dakhliga dowladda iyo dhaqaalaha guud ee Soomaaliya.
- Warbixin ay Qaramada Midoobay soo bandhigtay ayaa sheegtay in mugga cuntada Soomaaliya loo soo dhoofiyo uu hoos u dhacay 40 boqolkiiba marka loo eego xilligii ka horreeyay bilowgii dhibaatada.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in carqaladaha ka jira marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz ay saameyn weyn ku yeesheen dhaqaalaha dalka, iyadoo dakhliga kastamka Soomaaliya uu hoos u dhacay ku dhawaad 40 boqolkiiba .
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in carqaladaha ku yimid isu-socodka badeecadaha iyo maraakiibta ay si toos ah u saameeyeen dakhliga dowladda iyo dhaqaalaha guud ee Soomaaliya.
Hoos-u-dhaca dakhliga kastamka ayaa ku soo beegmay xilli Soomaaliya ay si weyn ugu tiirsan tahay badeecooyinka dibadda laga keeno, taas oo ka dhigaysa carqaladaha silsiladaha sahayda iyo kororka kharashaadka gaadiidka kuwo si toos ah u saameeya suuqa gudaha.
Dhibaatada kuma eka dakhliga dowladda oo keliya, waxaana sidoo kale sare u kacay qiimaha cuntada, shidaalka iyo gaadiidka , halka kharashaadka la xiriira caymiska iyo dhoofinta badeecadaha ay kordheen.
Qaramada Midoobay ayaa horey u sheegtay in qiimaha shidaalka Soomaaliya uu si weyn u kacay, taas oo iyaduna kor u qaaday qiimaha cuntada iyo biyaha iyo kharashaadka gaadiidka.
Saameynta carqaladaha marinka Hormuz ayaa sidoo kale laga dareemay dhinaca soo dejinta. Warbixin ay Qaramada Midoobay soo bandhigtay ayaa sheegtay in mugga cuntada Soomaaliya loo soo dhoofiyo uu hoos u dhacay 40 boqolkiiba marka loo eego xilligii ka horreeyay bilowgii dhibaatada, taas oo saameyn ku yeelatay helitaanka iyo awoodda dadka ay ku iibsan karaan raashinka muhiimka ah.
Soomaaliya waxay xilligan wajahaysaa duruufo dhaqaale iyo bani’aadannimo oo is-biirsaday, iyadoo kororka qiimaha badeecooyinka iyo shidaalka uu ku soo beegmay xilli dalka ay ka jiraan caqabado la xiriira cunto-yarida iyo awoodda qoysaska danyarta ah ee wax iibsiga.
Qaramada Midoobay waxay horey uga digtay in malaayiin Soomaali ah ay wajahayaan heerar sare oo cunto-yari ah.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda Soomaaliya ma aysan caddeyn muddada saxda ah ee hoos-u-dhaca ku dhow 40-ka boqolkiiba uu khuseeyo , mana aysan shaacin qiimaha lacageed ee dakhliga kastamka ee la sheegay inuu lumay.
Khudbadda Madaxweynaha ayaa ku soo beegantay xilli walaaca laga qabo saameynta carqaladaha Hormuz uu sii xoogeysanayo, iyadoo hay’adaha caalamiga ah ay ka digayaan in khalkhalka ku yimaada marinkan muhiimka ah uu saameyn ku yeelan karo tamarta, ganacsiga, gaadiidka iyo qiimaha cuntada ee dalal badan, gaar ahaan kuwa dhaqaalahoodu nugul yahay.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dakhliga kastamka Soomaaliya ayaa la sheegay inuu hoos u dhacay ku dhawaad 40% sababo la xiriira carqaladaha ka jira Marinka Hormuz, taasoo si weyn u saameysay dhaqaalaha dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyay saameynta tooska ah ee carqaladahani ku leeyihiin dakhliga dowladda iyo dhaqaalaha guud intii uu khudbad ka jeedinayay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Qodobada muhiimka ah
- Dakhliga kastamka Soomaaliya ayaa hoos u dhacay ku dhawaad 40% sababo la xiriira carqaladaha ka jira marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz.
- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in carqaladaha ku yimid isu-socodka badeecadaha iyo maraakiibta ay si toos ah u saameeyeen dakhliga dowladda iyo dhaqaalaha guud ee Soomaaliya.
- Warbixin ay Qaramada Midoobay soo bandhigtay ayaa sheegtay in mugga cuntada Soomaaliya loo soo dhoofiyo uu hoos u dhacay 40 boqolkiiba marka loo eego xilligii ka horreeyay bilowgii dhibaatada.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin gaar ah oo ku saabsan muddada saxda ah ee hoos-u-dhaca la sheegay.
- Maqaalku ma shaacinayo qiimaha lacageed ee dakhliga kastamka ee la sheegay inuu lumay.
- Lama hayo jawaab ka timid dowladda oo ku saabsan saameynta hoos-u-dhaca dakhliga.
Gunaanadka akhristaha
Akhristayaasha waa in ay ka warqabaan saameynta weyn ee carqaladaha caalamiga ah ay ku yeelan karaan dakhliga kastamka Soomaaliya iyo dhaqaalaha guud.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee dowladda Soomaaliya qorsheyneyso si ay uga jawaabto hoos-u-dhaca dakhliga?
- Sidee ayuu hoos-u-dhaca dakhliga kastamka u saameyn doonaa adeegyada dadweynaha ee Soomaaliya?
- Maxay yihiin saamaynta muddada dheer ee carqaladaha Marinka Hormuz ku yeelan doonaan dhaqaalaha Soomaaliya?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa caqabadaha dhaqaale ee Soomaaliya ka dhashay carqaladaha dibadda, taasoo sii xumeyn karta dhibaatooyinka bani'aadannimo ee dalka.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · dhacay · hoos · hormuz
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada