DEG DEG: DF oo duqeysay ciidankii Lafta-gareen iyo xubno Shabaab ah ‘oo isku milmay’
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgal qorsheysan oo ay ciidamadu ka fuliyeen duleedka magaalada Baydhabo lagu dilay dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo maleeshiyaad taabacsan Cabdicasiis Laftagareen oo ay sheegeen in ay isku milmeen. Howlgalka oo ahaa duqeyn ayaa lagu dilay 50 xubnood oo isugu jiray Al-Shabaab iyo maleeshiyaad hubeysan [&#

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa duqeyn ka fulisay duleedka Baydhabo, taasoo lagu dilay 50 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab iyo maleeshiyaad taabacsan Cabdicasiis Laftagareen.
Maxaa la shaaciyey
- Howlgalka ayaa lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo agab ciidan oo ay kooxuhu u adeegsanayeen.
- Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in maleeshiyaadka taabacsan Laftagareen ay khatar ku yihiin amniga qaranka.
- Dowladdu waxay caddeysay in aysan marnaba u dulqaadan doonin cid kasta oo hub ama maleeshiyaad u adeegsata dano siyaasadeed.
Macnaha guud
Dagaalyahannada Al-Shabaab iyo maleeshiyaadka Laftagareen ayaa ku soo qaadey ciidamo sugaya amniga, taasoo keentay howlgalka.
“Wasaaradda Gaashaandhigga waxay caddeyneysaa in weerarkii gaadmada ahaa ee Baydhabo ay ku lug lahaayeen maleeshiyaad taabacsan Cabdicasiis Laftagareen.”
Sababta ay muhiim u tahay: Qoraalkan wuxuu muujinayaa tallaabooyinka dowladda ee ka dhanka ah argagixisada iyo amniga dalka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgal qorsheysan oo ay ciidamadu ka fuliyeen duleedka magaalada Baydhabo lagu dilay dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo maleeshiyaad taabacsan Cabdicasiis Laftagareen oo ay sheegeen in ay isku milmeen.
Howlgalka oo ahaa duqeyn ayaa lagu dilay 50 xubnood oo isugu jiray Al-Shabaab iyo maleeshiyaad hubeysan oo garab siinayay, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Ciidanka ayaa sidoo kale burburiyay gaadiid dagaal iyo agab ciidan oo ay kooxuhu u adeegsanayeen abaabulka weerarro ka dhan ah Ciidanka Xoogga Dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, sida ay xaqiijisay wasaaraddu.
“Wasaaradda Gaashaandhigga waxay caddeyneysaa in weerarkii gaadmada ahaa ee Baydhabo ay ku lug lahaayeen maleeshiyaad taabacsan Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo si toos ah ugu milmay Khawaarijta Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan