DEG DEG: DF Soomaaliya oo karantiishay muwaadin la safray qof u dhintay Ebola
Waxa dhacay
70 ilbiriqsiWasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa karantiishay muwaadin Soomaaliyeed oo la safray qof markii dambe u geeriyooday cudurka Ebola.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay 12-ka October 2026 ayay ku sheegtay in muwaadinka si ammaan ah loo geeyay xarunta karantiilka iyo daaweynta cudurka Ebola ee Isbitaalka Forlanini ee magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu qiimeynayo xaaladdiisa caafimaad.
- “Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, oo kaashanaysa Wasaaradda Amniga Gudaha iyo hay’adaha ay khusayso, waxay dadweynaha ku wargelinaysaa in maanta oo taariikhdu tahay 12 Oktoobar 2026, saacaddii markay ahayd 11:00 subaxnimo, si ammaan ah oo badqab leh loo karantiilay muwaadin Soomaaliyeed, kasoo la xaqiijiyay inuu la soo safray qof la hubiyay inuu u geeriyooday cudurka Ebola,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
- Wasaaraddu waxay sheegtay in xogta ku saabsan muwaadinka ay ka heshay xafiiska Soomaaliya ee Xeerarka Caafimaadka Caalamiga ah (IHR) kadib markii dhiggiisa Uganda uu soo gudbiyay ogeysiis rasmi ah fiidnimadii 10-ka October 2026.
- Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, muwaadinka Soomaaliyeed iyo nin u dhashay Kenya ayaa ka soo wada safray Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, iyagoo soo maray Uganda.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa taxaddarrada ay qaadayso dowladda Soomaaliya si ay uga jawaabto suurtagalnimada in laga helo Ebola.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadayo si loo kormeero caafimaadka muwaadinka la karantiilay?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Muwaadinka la karantiilay si ammaan ah ayaa loo geeyay Isbitaalka Forlanini ee Muqdisho si loo qiimeeyo.
- Ninka u dhashay Kenya ee u geeriyooday cudurka Ebola ayaa ka soo safaray Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
- Wasaaradda Caafimaadka ayaa caddeysay in aan weli la xaqiijin inuu muwaadinku qabo cudurka Ebola.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay karantiishay muwaadin Soomaaliyeed oo la safray qof markii dambe u geeriyooday cudurka Ebola, kaas oo ka dillaacay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).
War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay 12-ka October 2026 ayay ku sheegtay in muwaadinka si ammaan ah loo geeyay xarunta karantiilka iyo daaweynta cudurka Ebola ee Isbitaalka Forlanini ee magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu qiimeynayo xaaladdiisa caafimaad.
“Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, oo kaashanaysa Wasaaradda Amniga Gudaha iyo hay’adaha ay khusayso, waxay dadweynaha ku wargelinaysaa in maanta oo taariikhdu tahay 12 Oktoobar 2026, saacaddii markay ahayd 11:00 subaxnimo, si ammaan ah oo badqab leh loo karantiilay muwaadin Soomaaliyeed, kasoo la xaqiijiyay inuu la soo safray qof la hubiyay inuu u geeriyooday cudurka Ebola,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Wasaaraddu waxay sheegtay in xogta ku saabsan muwaadinka ay ka heshay xafiiska Soomaaliya ee Xeerarka Caafimaadka Caalamiga ah (IHR) kadib markii dhiggiisa Uganda uu soo gudbiyay ogeysiis rasmi ah fiidnimadii 10-ka October 2026.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, muwaadinka Soomaaliyeed iyo nin u dhashay Kenya ayaa ka soo wada safray Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, iyagoo soo maray Uganda. Labada nin ayaa la sheegay inay wada degeen hal hoteel, kaddibna ay wada raaceen gaari tagsi ah oo geeyay garoonka diyaaradaha Entebbe ee dalka Uganda.
Labada qof ayaa markii dambe u kala safray Nairobi iyo Muqdisho. Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa Muqdisho ku yimid isagoo sii maray Addis Ababa, halka muwaadinka Kenya uu u safray dalkiisa, halkaas oo markii dambe uu ugu geeriyooday cudurka Ebola magaalada Nairobi 5-tii Oktoobar 2026, sida ay sheegtay wasaaraddu.
War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in xogta ay Uganda soo gudbisay ay ka koobnayd magaca muwaadinka Soomaaliyeed, lambarka baasaboorkiisa, faahfaahinta duulimaadkiisa iyo lambarka kursiga uu diyaaradda ka saarnaa, taas oo fududeysay aqoonsigiisa iyo raadraaciisa.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in baaritaan iyo raadraac socday ku dhowaad 24 saacadood ay iska kaashadeen Hay’adda Socdaalka, Waaxda Dambi-baarista (CID), Wasaaradda Caafimaadka iyo Machadka Caafimaadka Qaranka (NIH), kuwaas oo ugu dambeyn ku guuleystay in muwaadinka la helo oo la karantiilo.
Wasaaraddu waxay caddeysay in aan weli la xaqiijin inuu muwaadinku qabo cudurka Ebola. “Wasaaraddu waxay xarunta Forlanini ee magaalada Muqdisho u asteeysay maaraynta xaaladaha la xiriira Ebola, waxayna u qoondeysay nidaam u gaar ah xarunta karantiilka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Dhanka kale, wasaaraddu waxay dadka xiriirka la yeeshay muwaadinka ugu baaqday inay la soo xiriiraan hay’adaha caafimaadka, iyadoo xustay in qof kasta oo xog ka haya xaaladda uu si toos ah usoo wici karo.
“Xiriirka muwaadinka lala yeeshay keliya ma caddaynayo in qofku qaaday cudurka, balse qiimeynta iyo dabagalku waxay muhiim u yihiin ka-hortagga faafitaan suuragal ah,” ayay wasaaraddu ku adkaysay.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa ugu dambeyn bulshada ugu baaqday inay isdejiyaan, la shaqeeyaan kooxaha caafimaadka, kana fogaadaan faafinta wararka aan la xaqiijin iyo takoorka muwaadinka iyo qoyskiisa. Waxay sidoo kale sheegtay inay bulshada la wadaagi doonto xog cusub marka la xaqiijiyo.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa karantiishay muwaadin Soomaaliyeed oo la safray qof markii dambe u geeriyooday cudurka Ebola. Muwaadinka la karantiilay si ammaan ah ayaa loo geeyay Isbitaalka Forlanini ee Muqdisho si loo qiimeeyo.
Qodobada muhiimka ah
- Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa karantiishay muwaadin Soomaaliyeed oo la safray qof markii dambe u geeriyooday cudurka Ebola.
- Muwaadinka la karantiilay si ammaan ah ayaa loo geeyay Isbitaalka Forlanini ee Muqdisho si loo qiimeeyo.
- Ninka u dhashay Kenya ee u geeriyooday cudurka Ebola ayaa ka soo safaray Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
- Wasaaradda Caafimaadka ayaa caddeysay in aan weli la xaqiijin inuu muwaadinku qabo cudurka Ebola.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid muwaadinka la karantiilay ama qoyskiisa.
- Maqaalku ma caddaynayo xaaladda caafimaad ee hadda ee muwaadinka la karantiilay.
Gunaanadka akhristaha
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya waxay si firfircoon u maareynaysaa kiis suurtagal ah oo Ebola ah waxayna ku boorinaysaa bulshada inay dejiyaan oo ay la shaqeeyaan hay'adaha caafimaadka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadayo si loo kormeero caafimaadka muwaadinka la karantiilay?
- Immisa qof ayaa la xiriiray muwaadinka la karantiilay?
- Waa maxay habraacyada lagu xakameynayo faafitaanka Ebola ee Soomaaliya?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa taxaddarrada ay qaadayso dowladda Soomaaliya si ay uga jawaabto suurtagalnimada in laga helo Ebola. Waxay adkeyneysaa muhiimadda tallaabooyinka caafimaadka dadweynaha si looga hortago faafitaanka cudurrada.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · safray · muwaadin · soomaaliya
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada