DEG DEG: Guddoomiyihii gobolka Hiiraan oo caawa is-casilay, kuna biiray…
Waxa dhacay
70 ilbiriqsiMuuse Salaad Wehliye ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay guddoomiyaha gobolka Hiiraan sababo la xiriira kala aragti duwanaansho uu la leeyahay hoggaanka HirShabelle ee ku saabsan cabashooyinka deegaanka.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayMuuse Salaad Wehliye ayaa maalmo kahor loo magacaabay xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan, kadib markii guddoomiyihii ka horreeyay uu la saftay kooxda kasoo horjeeda HirShabelle, ee haatan dhaq-dhaqaaqyada ka wada Beledweyne oo uu hogaaminayo taliyihii hore ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo abaabul xooggan ka wada magaaladaasi.
- Muuse Salaad oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa is-casilaaddiisa la wadaagay hoggaanka sare ee Dowlad Goboleedka HirShabelle, gaar ahaan Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Mudane Cabdifataax Xasan Afrax, waxaana sababta uu ku sheegtay kala aragti duwanaansho soo kala dhex gashay isaga iyo madaxda sare ee HirShabelle oo ku saabsan habka iyo jihada loo wajahayo xalinta tabashada ay qabaan bulshada reer Hiiraan.
- “Hadaba maadaama aanan isku aragti ka noqon Karin habka ugu habboon ee loo wajahayo arrimahaas, waxaan go’aansaday inaan xilka iska casilo, anigoo ilaalinaya damiirkayga, mabda’ayga iyo dareenka aan u hayo shacabka reer Hiiraan ee wajahaya duruufaha qallafsan,” ayuu yiri guddoomiyuhu.
- Intaas kadib guddoomiyaha ayaa u tegay Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ee ku sugan gudaha magaalada Beledweyne oo ay sidoo kale joogaan dhinacyada kasoo horjeedo maamulka HirShabelle.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin cabashooyinka gaarka ah ee sababay kala aragti duwanaanshaha hoggaanka HirShabelle?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Muuse Salaad Wehliye ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay guddoomiyaha gobolka Hiiraan.
- Is-casilaadda ayaa ka dhalatay kala aragti duwanaansho uu la leeyahay hoggaanka HirShabelle ee ku saabsan maamulka cabashooyinka deegaanka.
- Muuse Salaad Wehliye ayaa maalmo kahor loo magacaabay xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii maamulka gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye ayaa caawa ku dhawaaqay inuu is-casilay, sababo la xiriira xiisadda ka taagan gobolkaasi ee ka dhalatay tabashada ay beesha uu kasoo jeedo Xawaadle ka qabto arrimaha maamulka HirShabelle.
Muuse Salaad oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa is-casilaaddiisa la wadaagay hoggaanka sare ee Dowlad Goboleedka HirShabelle, gaar ahaan Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Mudane Cabdifataax Xasan Afrax, waxaana sababta uu ku sheegtay kala aragti duwanaansho soo kala dhex gashay isaga iyo madaxda sare ee HirShabelle oo ku saabsan habka iyo jihada loo wajahayo xalinta tabashada ay qabaan bulshada reer Hiiraan.
“Hadaba maadaama aanan isku aragti ka noqon Karin habka ugu habboon ee loo wajahayo arrimahaas, waxaan go’aansaday inaan xilka iska casilo, anigoo ilaalinaya damiirkayga, mabda’ayga iyo dareenka aan u hayo shacabka reer Hiiraan ee wajahaya duruufaha qallafsan,” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Intaas kadib guddoomiyaha ayaa u tegay Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ee ku sugan gudaha magaalada Beledweyne oo ay sidoo kale joogaan dhinacyada kasoo horjeedo maamulka HirShabelle.
Muuse Salaad Wehliye ayaa maalmo kahor loo magacaabay xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan, kadib markii guddoomiyihii ka horreeyay uu la saftay kooxda kasoo horjeeda HirShabelle, ee haatan dhaq-dhaqaaqyada ka wada Beledweyne oo uu hogaaminayo taliyihii hore ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo abaabul xooggan ka wada magaaladaasi.
Hoos ka akhriso qoraalka is-casilaadda oo dhammaystiran;-
Anigoo ah Mudane Muuse Salaad Wehliye ahne Gudomiyaha Gobolka Hiiraan. waxaan si rasmi ah idiinku soo gudbinayaa go’aankayga ku aaddan inaan iska casilo xilka Gudomiyaha Gobolka Hiiraan.
Go’aankaygan wuxuu ka dhashay kala aragti duwanaansho aniga iyo madaxda sare oo ku saabsan habka iyo jihada loo wajahayo xalinta tabashooyinka iyo cabashooyinka ay qabaan bulshada Rer Hiiraan oo soo jireeenka ah.
Anigu ka Gudoomiye ahaan waxaan aaminsanaa in tabashada shacabka aan lagu wajihi karin Qori caaradiis, xoog, Maquunin, iska indho-tir iyo dib-u-dhac, balse ay u baahan tahay dhegeysi dhab ah, wada-hadal daacad ah, garowsho Qaran iyo tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu qancinayo bulshada tabashada qabta.
Waxaan mar walba aaminsanahay in xilka dowladnimo uu yahay masuuliyad ka weyn jagada qofku hayo, isla markaana ay waajib tahay in la dareemo Lana tixgeliyo duruufaha, cabashada iyo xaqiiqada ay ku nool yihiin dadka aan masuulka ka nahay.
Hadaba maadaama aanan isku aragti ka noqon Karin habka ugu habboon ee loo wajahayo arrimahaas, waxaan go’aansaday inaan xilka iska casilo, anigoo ilaalinaya damiirkayga, mabda’ayga iyo dareenka aan u hayo shacabka reer Hiiraan ee wajahaya duruufaha qallafsan.
Ugu danbeyn, waxaan Alle uga baryayaa shacabka rer Hiiraan Nabad, Caddaalad, Midnimo iyo Dowladnimo ku dhisan kalsooni, wax wada lahaansho iyo is-aaminaad la taaban karo.
F.G Xilku waa xil ku meel gaar ah, balse damiirka, mabda’a iyo dareenka shacabka waa masuuliyad qofka la joogta Lana joogi doonta.
Wabillaahi Tawfiiq, Muuse Salaad Wehliye Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Muuse Salaad Wehliye ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay guddoomiyaha gobolka Hiiraan sababo la xiriira kala aragti duwanaansho uu la leeyahay hoggaanka HirShabelle ee ku saabsan cabashooyinka deegaanka.
Qodobada muhiimka ah
- Muuse Salaad Wehliye ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay guddoomiyaha gobolka Hiiraan.
- Is-casilaadda ayaa ka dhalatay kala aragti duwanaansho uu la leeyahay hoggaanka HirShabelle ee ku saabsan maamulka cabashooyinka deegaanka.
- Muuse Salaad Wehliye ayaa maalmo kahor loo magacaabay xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha hoggaanka HirShabelle ee ku saabsan is-casilaadda.
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha uu soo jeediyay Muuse Salaad Wehliye.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay kaliya hadallada Muuse Salaad Wehliye iyada oo aan la helin caddeyn dibadda ah.
Gunaanadka akhristaha
Is-casilaadda Muuse Salaad Wehliye waxay muujinaysaa xiisadaha socda ee ku saabsan maamulka gobolka Hiiraan.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin cabashooyinka gaarka ah ee sababay kala aragti duwanaanshaha hoggaanka HirShabelle?
- Sidee ayey is-casilaaddan u saameyn doontaa xaaladda siyaasadeed ee Hiiraan?
- Yaa beddeli doona Muuse Salaad Wehliye guddoomiyaha gobolka Hiiraan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · guddoomiyihii · gobolka · casilay
Sii akhri
- Aadan Cabdulle, Xasan Sheekh iyo dadka kale ee caanka ah ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan
BBC Somali
- Xasan Sheekh oo Hiiraan u ballanqaaday Caasimadda HirShabeelle, xilli xiisad siyaasadeed ka taagan tahay Beledweyne
Shabelle Media
- Guddoomiyihii maxkamada sare ee dalka oo ka horyimid xil ka qaadistiisa
Shabelle Media