Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Caasimada Onlinegeneral

DF iyo M/Yurub billaabaya wada-hadallo ku saabsan soo-celinta Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa isku raacay in dib loo bilaabo wada-hadallo farsamo oo ku saabsan soo celinta iyo dib-u-aqbalaadda soo-galootiga Soomaaliyeed ee ku sugan qaaradda Yurub. Heshiiskan ayaa imanaya xilli Brussels ay dooneyso in Muqdisho ay la yeelato iskaashi dhow oo ku aaddan socdaalka sharci-darrada ah, ka-hortagga tahriibka,

SO
Sawir war oo la xiriira DF iyo M/Yurub billaabaya wada-hadallo ku saabsan soo-celinta Soomaalida
Sawir / xog muuqaal ah · Caasimada Online

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa isku raacay in dib loo bilaabo wada-hadallo farsamo oo ku saabsan soo celinta iyo dib-u-aqbalaadda soo-galootiga Soomaaliyeed.

Maxaa la shaaciyey

  1. Wada-hadallada ayaa diiradda saaraya soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Yurub.
  2. Shirkii ugu horreeyay ee Iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa lagu qabtay Muqdisho 10-kii May.
  3. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xallin lahaa caqabadaha socdaalka sharci-darrada ah.

Macnaha guud

Brussels ayaa dooneysa in Muqdisho la yeelato iskaashi dhow oo ku aaddan socdaalka sharci-darrada ah iyo ka-hortagga tahriibka.

soo celin badqabta oo sharaf leh

Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka, Saalax Axmed Jaamac, Danjire Francesca Di Mauro
Muqdisho
2026-05-16

Sababta ay muhiim u tahay: Arrintani waxay khusaysaa qoysas badan oo Soomaaliyeed oo ehelkoodu ku sugan yahay Yurub.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Caasimada Online

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa isku raacay in dib loo bilaabo wada-hadallo farsamo oo ku saabsan soo celinta iyo dib-u-aqbalaadda soo-galootiga Soomaaliyeed ee ku sugan qaaradda Yurub. Heshiiskan ayaa imanaya xilli Brussels ay dooneyso in Muqdisho ay la yeelato iskaashi dhow oo ku aaddan socdaalka sharci-darrada ah, ka-hortagga tahriibka, iyo soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Go’aankan ayaa laga gaaray shirkii ugu horreeyay ee Iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo 10-kii bishan May lagu qabtay magaalada Muqdisho. Shirkan oo ku saleysnaa heshiiska iskaashiga ee loo yaqaan ‘Samoa Agreement’, ayaa kulmiyay wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, diblomaasiyiin, iyo wakiillo ka socday hawlgallada Yurub, waxaana diiradda lagu saaray arrimaha sarreynta sharciga, amniga, socdaalka iyo horumarinta dhaqaalaha.

Wafdiga Soomaaliya waxaa hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Saalax Axmed Jaamac, halka dhanka Midowga Yurub ay mataleysay Danjire Francesca Di Mauro. Sida ku cad ajandaha socdaalka, labada dhinac ayaa isku raacay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto wada-hadalladii farsamo ee saddexaad oo diiradda saaraya soo celinta soogalootiga, si loo xalliyo caqabadaha jira loona horumariyo iskaashiga labada dhinac.

Soo celinta iyo dib-u-aqbalaadda Marka la eego eray-bixinta siyaasadda Midowga Yurub, soo celinta iyo dib-u-aqbalaadda ayaa loola jeedaa iskaashi dhexmara dalalka ay dadku kasoo jeedaan, si ay dib ugu aqbalaan muwaadiniintooda aan haysan sharciga ay ku joogi karaan Yurub. Dadkaas waxaa ka mid ah kuwa loo diiday magangalyada, kuwa fiisooyinkoodu dhaceen, iyo kuwa aan gabi ahaanba haysan sharci degenaansho oo sax ah.

Isha: Caasimada Online. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Caasimada Online
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralsaabsanyurubsoo
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.