Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Caasimada Onlinegeneral

DF oo shaacisay xilliga la filayo natiijada shidaal qodista

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay filayso natiijooyin rajo leh dhammaadka sanadkan, kadib markii Turkiga uu billaabay qodis badeedkii ugu horreeyay ee shidaal iyo gaas ah oo laga sameeyo xeebaha Soomaaliya. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in mashruuca Soomaaliya iyo Turkiga uu galay marxalad cusub, kaddib markii [&#8

SO
DF oo shaacisay xilliga la filayo natiijada shidaal qodista
Sawir / xog muuqaal ah · Caasimada Online
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Caasimada Online

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay filayso natiijooyin rajo leh dhammaadka sanadkan, kadib markii Turkiga uu billaabay qodis badeedkii ugu horreeyay ee shidaal iyo gaas ah oo laga sameeyo xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in mashruuca Soomaaliya iyo Turkiga uu galay marxalad cusub, kaddib markii la soo gabagabeeyay sahankii dhul-badeedka, lana falanqeeyay xogtii laga helay.

Markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey ayaa bishii hore gaaray xeebaha Muqdisho, si uu u bilaabo qodista ceelka Curad-1, oo loo arko mid ka mid ah tillaabooyinka ugu waaweyn ee Soomaaliya ay u qaaday dhinaca sahminta shidaalka badda.

“Wadashaqeynta Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinaca hydrocarbons-ka waxay hadda gashay marxaladdii labaad, taas oo ah qodista,” ayuu wasiirku u sheegay wakaaladda Anadolu.

Isha: Caasimada Online. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Caasimada Online
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralshidaalfilayoxilliga
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.