DF Soomaaliya iyo Turkiga oo heshiis cusub ku saxiixday Antalya
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiDowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa heshiis cusub ku saxiixday Antalya oo diiradda saaraya adeegyada bulshada iyo siyaasadaha ilaalinta qoyska.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysayLabada wasaaradood ayaa sidoo kale ku heshiiyey in la is-weydaarsado aqoonta, khibradaha iyo hab-dhaqannada wanaagsan ee ku saabsan horumarinta adeegyada bulshada, ilaalinta qoysaska iyo adkeynta qaab-dhismeedka bulshada, iyadoo la tixgelinayo doorka muhiimka ah ee qoysku ku leeyahay horumarka iyo xasilloonida bulshada.
- Heshiiska ayaa ku saabsan xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada adeegyada bulshada iyo horumarinta siyaasadaha ilaalinta qoyska, iyadoo labada dhinac ay isla garteen in la ballaariyo wada-shaqeynta iyo is-weydaarsiga khibradaha.
- Qodobbada heshiiska waxaa kamid ah ilaalinta xuquuqda haweenka iyo carruurta, ka hortagga tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo ilaalinta carruurta khataraha ka jira deegaannada dhijitaalka ah.
- Sidoo kale, labada dhinac ayaa isla meel dhigay horumarinta adeegyada caafimaadka, waxbarashada, daryeelka iyo baxnaaninta dadka naafada ah iyo dadka waayeelka ah, iyadoo la qorsheeyay in la iska kaashado tababarrada, shirarka, siminaarrada iyo is-weydaarsiga khubarada.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin barnaamijyada gaarka ah ee lagu fulin doono heshiiskan?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa heshiis cusub ku saxiixday Antalya.
- Heshiisku wuxuu diiradda saarayaa xoojinta iskaashiga dhinacyada adeegyada bulshada iyo horumarinta siyaasadaha ilaalinta qoyska.
- Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi ayaa sheegay in heshiisku muhiim u yahay horumarinta adeegyada bulshada ee Soomaaliya.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Antalya (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Antalya ee dalka Turkiga heshiis is-afgarad kula saxiixatay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Adeegyada Bulshada ee Jamhuuriyadda Türkiye, Marwo Mahinur Özdemir Göktaş.
Heshiiska ayaa ku saabsan xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada adeegyada bulshada iyo horumarinta siyaasadaha ilaalinta qoyska, iyadoo labada dhinac ay isla garteen in la ballaariyo wada-shaqeynta iyo is-weydaarsiga khibradaha.
Labada wasaaradood ayaa sidoo kale ku heshiiyey in la is-weydaarsado aqoonta, khibradaha iyo hab-dhaqannada wanaagsan ee ku saabsan horumarinta adeegyada bulshada, ilaalinta qoysaska iyo adkeynta qaab-dhismeedka bulshada, iyadoo la tixgelinayo doorka muhiimka ah ee qoysku ku leeyahay horumarka iyo xasilloonida bulshada.
Qodobbada heshiiska waxaa kamid ah ilaalinta xuquuqda haweenka iyo carruurta, ka hortagga tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo ilaalinta carruurta khataraha ka jira deegaannada dhijitaalka ah.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa isla meel dhigay horumarinta adeegyada caafimaadka, waxbarashada, daryeelka iyo baxnaaninta dadka naafada ah iyo dadka waayeelka ah, iyadoo la qorsheeyay in la iska kaashado tababarrada, shirarka, siminaarrada iyo is-weydaarsiga khubarada.
Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi ayaa sheegtay in heshiisku muhiim u yahay horumarinta adeegyada bulshada ee Soomaaliya, iyadoo adkaysay sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo ka faa’iidaysiga khibradaha dalalka saaxiibka ah.
Waxay si gaar ah u tilmaantay muhiimadda ay Jamhuuriyadda Türkiye u leedahay iskaashiga Soomaaliya, iyadoo sheegtay in khibradaha dalkaas laga faa’iidaysan doono horumarinta ilaalinta qoyska iyo xuquuqda haweenka, carruurta iyo qaybaha nugul ee bulshada Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Wasiir Khadiija ayaa magaalada Antalya khudbad ka jeedisay kulan dhinac socday Shirka COP31, kaas oo diiradda lagu saarayay sidii loo xaqiijin lahaa kala-guur caddaalad ah oo ku dhisan ilaalinta bulshada, adeegyada daryeelka iyo awood-siinta haweenka.
Khudbadeeda ayay ku muujisay saameynta ba’an ee isbeddelka cimiladu ku leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqda ee saameeya qoysaska, haweenka iyo carruurta, iyadoo carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in maalgelinta cimiladu gaarto bulshada nugul.
Ugu dambeyntiina, wasiirku waxay xustay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo barnaamijyada badbaadada bulshada iyo taageerada qoysaska ay saameeyaan masiibooyinka dabiiciga ah, iyadoo ku baaqday in haweenka laga qayb-geliyo dejinta siyaasadaha cimilada, lana aqoonsado kaalintooda muhiimka ah ee la qabsiga isbeddelka cimilada iyo adkeysiga bulshada.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa heshiis cusub ku saxiixday Antalya oo diiradda saaraya adeegyada bulshada iyo siyaasadaha ilaalinta qoyska.
Qodobada muhiimka ah
- Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa heshiis cusub ku saxiixday Antalya.
- Heshiisku wuxuu diiradda saarayaa xoojinta iskaashiga dhinacyada adeegyada bulshada iyo horumarinta siyaasadaha ilaalinta qoyska.
- Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi ayaa sheegay in heshiisku muhiim u yahay horumarinta adeegyada bulshada ee Soomaaliya.
- Qodobbada heshiiska waxaa kamid ah ilaalinta xuquuqda haweenka iyo carruurta.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada aan la xusin.
- Eedeymaha waxay ku saleysan yihiin bayaanno ka soo baxay mas'uuliyiinta dowladda.
- Xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan faahfaahinta heshiiska lama bixiyo.
Gunaanadka akhristaha
Heshiisku wuxuu ujeedkiisu yahay in la xoojiyo iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee adeegyada bulshada iyo ilaalinta qoyska.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin barnaamijyada gaarka ah ee lagu fulin doono heshiiskan?
- Sidee loo cabbiri doonaa waxtarka iskaashiga?
- Maxay yihiin talaabooyinka xiga ee ka dambeeya saxiixa heshiiskan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · antalya · soomaaliya · heshiis