Diyaaradaha aan Duuliyaha Lahayn ee Biyaha Hoostooda Mara oo la Qorshaynayo Hirgelin-toodda
Mraykanka, UK iyo Australia ayaa sheegay inay horumarin doonaan tignoolajiyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee biyaha hoostooda ku shaqeeya si ay u ilaaliyaan fiilooyinka badda hoosteeda iyo kor u qaadista difaaca, iyaga oo hoos yimaada isbahaysigooda milatari ee loo yaqaan Aukus. Tiknoolajiyadda gaadiidka badda hoosteeda ee aan la wadin (UUV) ayaa la filayaa inay diyaar […]
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Mraykanka, UK iyo Australia ayaa sheegay inay horumarin doonaan tignoolajiyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee biyaha hoostooda ku shaqeeya si ay u ilaaliyaan fiilooyinka badda hoosteeda iyo kor u qaadista difaaca, iyaga oo hoos yimaada isbahaysigooda milatari ee loo yaqaan Aukus.
Tiknoolajiyadda gaadiidka badda hoosteeda ee aan la wadin (UUV) ayaa la filayaa inay diyaar noqoto sanadka soo socda. In kasta oo aan la sheegin wadarta kharashka mashruuca, Xoghayaha Difaaca UK John Healey wuxuu sheegay in qarankiisu uu ku deeqi doono £150m ($201m).
Ku dhawaaqistan, oo ay sameeyeen wasiirada difaaca ee dalalka USA, UK iyo Australia oo ka qayb gelayey shir madaxeedkii amniga ee ka dhacay Singapore, ayaa daba socota sheegashooyin ku saabsan in horumarka mashaariicda Aukus ay gaabis yihiin.
Isaga oo qiraya dhaleeceynta, Healey wuxuu yidhi “muddo aad u dheer mashruuca Aukus, in badan waan hadalnay , laakiin wax badan maynaan qaban”, isaga oo raaciyay “taasi hadda way is beddeshay saddexdeenna dowladood”.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Wargeyska Dawan
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan