Doorashada ku celiska ee Galmudug oo lagu kala baxay + Natiijada
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiGuddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii ku-celiska ahayd ee Golaha Wakiillada dowlad-goboleedka Galmudug, oo ka dhacday Dhuusamareeb.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariim Axmed Xasan ayaa sheegay in doorashadu ka qabsoontay 11 degmo, iyadoo tartanka ay ka qayb galeen 12 urur siyaasadeed oo ku loollamay 89 kursi oo Golaha Wakiillada ah.
- Tirada guud ee codadka la dhiibtay ayaa gaartay 149,475 cod, waxaana guddigu sheegay in 146,374 kamid ah ay ahaayeen codad ansax ah, halka 3,101 cod loo aqoonsaday kuwo aan ansax ahayn.
- Natiijada la shaaciyay ayaa muujineysa in ururka Caddaaladda iyo Midnimadda uu ku guuleystay 1,085 cod iyo hal kursi, halka Madalsan uu helay 4,025 cod iyo laba kursi.
- Ururka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa helay 842 cod iyo hal kursi, halka Dimuqraadiga Soomaaliyeed uu ku guuleystay 2,283 cod iyo hal kursi.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka la qaaday si loo hubiyo daahfurnaanta habka doorashada?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii ku-celiska ahayd ee Golaha Wakiillada dowlad-goboleedka Galmudug.
- Tirada guud ee codadka la dhiibtay ayaa gaartay 149,475 cod, waxaana guddigu sheegay in 146,374 kamid ah ay ahaayeen codad ansax ah.
- Caddaaladda iyo Wadajir ayaa noqday ururka ugu codadka badan, isagoo helay 110,072 cod iyo 67 kursi.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ku dhawaaqay natiijada doorashadii ku-celiska ahayd ee Golaha Wakiillada dowlad-goboleedka Galmudug.
Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariim Axmed Xasan ayaa sheegay in doorashadu ka qabsoontay 11 degmo, iyadoo tartanka ay ka qayb galeen 12 urur siyaasadeed oo ku loollamay 89 kursi oo Golaha Wakiillada ah.
Tirada guud ee codadka la dhiibtay ayaa gaartay 149,475 cod, waxaana guddigu sheegay in 146,374 kamid ah ay ahaayeen codad ansax ah, halka 3,101 cod loo aqoonsaday kuwo aan ansax ahayn.
Natiijada la shaaciyay ayaa muujineysa in ururka Caddaaladda iyo Midnimadda uu ku guuleystay 1,085 cod iyo hal kursi, halka Madalsan uu helay 4,025 cod iyo laba kursi.
Ururka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa helay 842 cod iyo hal kursi, halka Dimuqraadiga Soomaaliyeed uu ku guuleystay 2,283 cod iyo hal kursi.
Caddaaladda iyo Wadajir ayaa noqday ururka ugu codadka badan, isagoo helay 110,072 cod iyo 67 kursi, halka Dadka Soomaaliyeed uu helay 158 cod, balse uusan wax kursi ah ku guuleysan.
Sidoo kale, Karaama ayaa heshay 10,309 cod iyo lix kursi, halka SAAB ay heshay 880 cod iyo hal kursi. Dan Shacab ayaa isna helay 738 cod, balse wax kursi ah ma uusan helin.
Ururka Sincad ayaa helay 10,895 cod iyo toddoba kursi, halka Dhallinyarada Talo-Qaran ay heleen 2,043 cod iyo hal kursi. RamaaS ayaa iyaduna heshay 3,044 cod iyo laba kursi.
Natiijada guud ayaa muujineysa in 89-ka kursi ee Golaha Wakiillada Galmudug loo kala helay 12-ka urur siyaasadeed, iyadoo Caddaaladda iyo Wadajir ay heleen 67 kursi, Sincadna uu ku xigay toddoba kursi, halka Karaama ay heshay lix kursi.
Doorashadan ayaa qayb ka ah hannaanka doorashooyinka qof iyo cod ee Soomaaliya, iyadoo guddigu sheegay in hawlaha doorashooyinku ay ka socdaan meelo kala duwan oo dalka ah.
Gobolka Banaadir, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa kamid ah meelaha ay ka socdaan hawlaha doorashooyinka, halka diyaar-garowga doorashooyinka uu ka socdo dowlad-goboleedka Hirshabeelle.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa sheegay in howlaha ka socda dowlad-goboleedyada iyo Banaadir ay qayb ka yihiin diyaar-garowga doorashooyinka heer federaal ee Soomaaliya.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii ku-celiska ahayd ee Golaha Wakiillada dowlad-goboleedka Galmudug, oo ka dhacday Dhuusamareeb.
Qodobada muhiimka ah
- Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii ku-celiska ahayd ee Golaha Wakiillada dowlad-goboleedka Galmudug.
- Tirada guud ee codadka la dhiibtay ayaa gaartay 149,475 cod, waxaana guddigu sheegay in 146,374 kamid ah ay ahaayeen codad ansax ah.
- Caddaaladda iyo Wadajir ayaa noqday ururka ugu codadka badan, isagoo helay 110,072 cod iyo 67 kursi.
- Doorashadan ayaa qayb ka ah hannaanka doorashooyinka qof iyo cod ee Soomaaliya, iyadoo guddigu sheegay in hawlaha doorashooyinku ay ka socdaan meelo kala duwan oo dalka ah.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha xisbiyada siyaasadeed ee ku lug leh doorashada.
- Eedeymaha ku saabsan ansaxnimada codadka waxay ku saleysan yihiin kaliya bayaannada guddiga.
- Xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan habka doorashada ama natiijooyinka ma jiraan.
Gunaanadka akhristaha
Doorashadii ku-celiska ahayd ee Galmudug ayaa dhamaatay, natiijooyinkeedana waxaa ku dhawaaqay guddiga doorashada.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka la qaaday si loo hubiyo daahfurnaanta habka doorashada?
- Sidee natiijooyinku u saameyn doonaan xaaladda siyaasadeed ee Galmudug?
- Maxay yihiin tallaabooyinka xiga ee habka doorashada gobollada kale?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · celiska · natiijada · galmudug
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada