Doorka Imaaraadka ee bixitaanka ciidanka Uganda iyo shirqool ka dhan ah Muqdisho
Waxa dhacay
40 ilbiriqsiMaqaalku wuxuu sheegayaa in Imaaraadka Carabta lagu eedeeyay inuu dhaqaale ku dhiirrigeliyey Uganda inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, isagoo arrintaas ku xiriirinaya qorshe lagu carqaladeynayo mashaariicda Turkiga ee dalka.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Warbixinta, oo xiganeysa ilo maxalli ah oo aan la magacaabin, ayaa sheegtay in lacagta laga hadlayo ay ku dhowdahay 500 milyan oo dollar.
- Xogtan ayaa soo baxday xilli Uganda ay bilowday soo celinta ciidamadeeda, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ay qeyb ka ahaayeen dadaallada lagu taageerayo dowladda Soomaaliya iyo dagaalka Al-Shabaab.
- Uganda ayaa bishii Maarso 2007 noqotay dalkii ugu horreeyey ee ciidamo u dira Soomaaliya iyagoo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
- Taliyaha ciidamada Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa horay u sheegay in ciidamadiisa oo dhan ay dalka ka baxayaan August 2027.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin mashaariicda gaarka ah ee ay Imaaraadku carqaladeynayaan?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay inuu dhaqaale ku dhiirrigeliyey Uganda inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.
- Lacagta laga hadlayo ay ku dhowdahay 500 milyan oo dollar.
- Uganda ay bilowday soo celinta ciidamadeeda, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ay qeyb ka ahaayeen dadaallada lagu taageerayo dowladda Soomaaliya iyo dagaalka Al-Shabaab.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin uu daabacay bogga Baraza Brief ayaa Imaaraadka Carabta ku eedeysay inuu dhaqaale ku dhiirrigeliyey Uganda inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, iyadoo arrintaas ku xiriirisay qorshe lagu carqaladeynayo mashaariicda Turkiga ee dalka.
Warbixinta, oo xiganeysa ilo maxalli ah oo aan la magacaabin, ayaa sheegtay in lacagta laga hadlayo ay ku dhowdahay 500 milyan oo dollar.
Xogtan ayaa soo baxday xilli Uganda ay bilowday soo celinta ciidamadeeda, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ay qeyb ka ahaayeen dadaallada lagu taageerayo dowladda Soomaaliya iyo dagaalka Al-Shabaab.
Uganda ayaa bishii Maarso 2007 noqotay dalkii ugu horreeyey ee ciidamo u dira Soomaaliya iyagoo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Taliyaha ciidamada Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa horay u sheegay in ciidamadiisa oo dhan ay dalka ka baxayaan August 2027. Balse bayaankii ugu dambeeyey ee militariga Uganda, oo soo baxay 2-dii November, ayaa bixitaanka guud u qabtay dhammaadka 2027.
Afhayeenka militariga, Gaashaanle Sare Chris Magezi, ayaa caddeeyey in marka hore la soo celinayo ciidamadii ku joogay heshiiska labada dal. Ciidamada ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa iyaguna si tartiib ah uga bixi doona dalka.
Dhaqaale xumada howlgalka
Bixitaanku wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo AUSSOM ay wajahday dhaqaale yari iyo hubanti la’aan ku saabsan taageerada ay ku tiirsan yihiin ciidamadeeda.
Qoraal diblomaasiyadeed oo taariikhdiisu ahayd 1-dii July 2026, oo ay aragtay Reuters, ayaa Mareykanku Midowga Afrika ugu sheegay inuu ka hor imaanayo sii socoshada taageerada saadka iyo howlgalka ee Qaramada Midoobay wixii ka dambeeya dhammaadka sanadkan.
Washington waxay qoraalkaas ku dhaliishay dowladda Soomaaliya inay ku gaabisay la wareegidda mas’uuliyadda amniga iyo joogteynta guulaha laga gaaray Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale tilmaantay khilaafaadka siyaasadeed ee wiiqaya dagaalka kooxda.
Muhoozi ayaa shirkii Kampala ee bishii July sheegay in Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, UNSOS, uu taageeradiisa dhimay 25 boqolkiiba, taas oo saameysay awoodda ciidamada ee goobaha dagaalka.
Taageeradaas ayaa daboolaysa adeegyo ay ka mid yihiin shidaalka, biyaha, raashinka, gaadiidka iyo daryeelka caafimaadka. Hoos u dhaceedu wuxuu culays ku kordhinayaa dalalka ciidamada ku biiriya howlgalka.
Doorka Imaaraadka Carabta
Si kastaba waxaa hadda soo baxday fasiraad kale oo ku saabsan go’aanka Kampala, iyadoo xogta cusub ee ku doodday in dhaqaale xumadu ay furtay fursad ay Imaaraadku uga faa’iideystaan bixitaanka ciidamada.
Sida ay sheegeen ilaha ay warbixinta Baraza Brief ay xigatay, Abu Dhabi ayaa Uganda u bandhigtay lacag beddesha dhaqaalihii ay ka heli jirtay howlgalka Soomaaliya. Lacagta lagu sheegay ku dhowaad nus bilyan dollar waxaa la socday ballanqaadyo maalgashi iyo mashaariic horumarineed.
Qoraalku wuxuu soo xigtay il-wareed dalabka la sheegay ku soo koobtay: “Waxaan idin siin doonnaa lacagtii aad ka heli jirteen howlgalka Soomaaliya; idinkuna ciidamadiinna kala baxa.”
Warbixintu waxay intaas ku dartay in Imaaraadku adeegsaday laba waddo: inuu gogol xaaro dhimista taageerada Mareykanka, kaddibna dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya u bandhigo dhiirrigelin dhaqaale oo ay ciidamadooda kula baxaan.
Mashaariicda Turkiga
Warbixinta waxay tallaabooyinka la sheegay ku xiriirisay laba mashruuc oo waaweyn oo Turkigu ka fulinayo Soomaaliya: xarunta hawada sare ee la qorsheeyey in laga dhiso agagaarka Warsheekh iyo howlaha sahanka iyo qodista shidaalka ee biyaha Soomaaliya.
Waxay intaas ku dartay in mashaariicdaasi ay kordhinayaan saameynta Ankara ee gobolka, isla markaana ay caqabad ku yihiin dano ay leeyihiin Imaaraadka, Israa’iil iyo Hindiya.
Iskaashiga shidaalka ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa durba gaaray marxaladda qodista. Wasiirka Batroolka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa bishii May u sheegay Anadolu in sahankii badda la dhammeeyey, isla markaana la bilaabay qodista ceelkii ugu horreeyey.
Warbixinta ayaa sheegtay in yoolka laga leeyahay bixitaanka ciidamada Uganda uu yahay in la wiiqo difaaca dowladda federaalka, taas oo halis gelin karta jawiga amni ee mashaariicda Turkigu u baahan yihiin.
Waxay sheegtay in Abu Dhabi ay dan u aragto in Muqdisho ay Al-Shabaab la wareegto ka hor inta aan mashaariicdaasi hirgelin, taasi oo ah cabsi soo kordheysa maalmahan.
AUSSOM ayaa warqad ay 31-kii October u dirtay UNSOS kaga digtay in bixitaanka ciidamada Uganda uu qaybo ka mid ah Shabeellaha Hoose u nugleyn karo weerarro Al-Shabaab, sida ay werisay Reuters.
Ciidamada Uganda ayaa muddo dheer qeyb muhiim ah ka ahaa dagaallada ka socda gobolkaas iyo ilaalinta deegaannada ku dhow Muqdisho. Bixitaankoodu wuxuu sii kordhinayaa culayska saaran ciidamada Soomaaliya ee la wareegaya goobihii ay joogeen.
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar, ayaa Reuters u sheegay: “Xaaladdu hadda ma aha mid aad u daran, balse waxay abuuri kartaa dhibaatooyin haddii ciidamadoodu si kedis ah uga baxaan.”
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in Imaaraadka Carabta lagu eedeeyay inuu dhaqaale ku dhiirrigeliyey Uganda inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, isagoo arrintaas ku xiriirinaya qorshe lagu carqaladeynayo mashaariicda Turkiga ee dalka.
Qodobada muhiimka ah
- Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay inuu dhaqaale ku dhiirrigeliyey Uganda inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.
- Lacagta laga hadlayo ay ku dhowdahay 500 milyan oo dollar.
- Uganda ay bilowday soo celinta ciidamadeeda, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ay qeyb ka ahaayeen dadaallada lagu taageerayo dowladda Soomaaliya iyo dagaalka Al-Shabaab.
- Bixitaanka ciidanka Uganda ayaa la xiriira hoos u dhac ku yimid taageerada Mareykanka iyo Midowga Afrika.
Xaddidaadda isha
- Eedeymaha waxay ku saleysan yihiin warbixin ka timid Baraza Brief, oo xiganeysa ilo maxalli ah oo aan la magacaabin.
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan qadarka dhaqaale ee la sheegay.
- Ma jiro jawaab ka timid Imaaraadka Carabta oo ku saabsan eedeymaha la soo jeediyay.
Gunaanadka akhristaha
Eedeymaha ku saabsan saameynta dhaqaale ee Imaaraadka Carabta ee bixitaanka ciidanka Uganda ayaa kor u qaadaya walaaca ku saabsan xasiloonida gobolka iyo faragalinta shisheeye ee Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin mashaariicda gaarka ah ee ay Imaaraadku carqaladeynayaan?
- Sidee ayey bixitaanka ciidanka Uganda u saameyn doontaa amniga Soomaaliya?
- Maxay yihiin cawaaqibka ka dhalanaya hoos u dhaca taageerada Mareykanka ee dowladda Soomaaliya?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · imaaraadka · muqdisho · uganda
Sii akhri
- Booliska Soomaaliya oo sheegay in dalku wajahayo khatar amni
Puntland Post
- Wasaaradda Maaliyadda oo Muqdisho ku qabatay Shirweynihii Koowaad ee Xoojinta Kooxda Shaqada Dhaqaalaha Guud
Shabelle Media
- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo qaabilay Danjiraha cusub ee Cummaan u fadhiya Soomaaliya
Shabelle Media