Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Dowlada Federaalka Soomaaliya oo Soo Xiray Shirka Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta Dalka

Muqdisho — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa si rasmi ah u soo xiray Shirka Wadatashiga iyo Ansixinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta Soomaaliya, kaas oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho. Shirka ayaa intii uu socday lagu falanqeeyay laguna ansixiyay qodobbada la xiriira Siyaasadda Qaran […]

SO
Dowlada Federaalka Soomaaliya oo Soo Xiray Shirka Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta Dalka
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa si rasmi ah u soo xiray Shirka Wadatashiga iyo Ansixinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta Soomaaliya.

Maxaa la shaaciyey

  1. Shirka ayaa ka socday magaalada Muqdisho labadii maalmood ee la soo dhaafay.
  2. Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ayaa ka qeyb gashay shirka.
  3. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka go’an hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta iyo miro-dhalinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta dalka.

Mudane Saalax Axmed Jaamac
Muqdisho
2026-05-13

Sababta ay muhiim u tahay: Shirkan ayaa muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed maadaama uu ka hadlayo baahiyaha guriyeynta.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

Muqdisho — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa si rasmi ah u soo xiray Shirka Wadatashiga iyo Ansixinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta Soomaaliya, kaas oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa intii uu socday lagu falanqeeyay laguna ansixiyay qodobbada la xiriira Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta dalka, iyadoo ay ka qeyb galeen Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha dhiggooda ah ee dowlad-goboleedyada dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta iyo miro-dhalinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta dalka, si loo helo qorshe mideysan oo wax looga qabanayo baahiyaha guriyeynta bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Mudane Saalax ayaa u mahadceliyay dhammaan ka qeybgalayaasha shirka, isaga oo si gaar ah u bogaadiyay Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS dadaalka iyo waqtiga ay gelisay diyaarinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta Soomaaliya.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Kalsooni
Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralguriyeyntasoomaaliyaxiray
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.