Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Caasimada Onlinegeneral

Dowladda Holland oo amar adag kasoo saartay weerarada lala beegsado qaxootiga.

Amsterdam (Caasimada Online) – Mudooyinkii u dambeeyay waxaa soo kordhayay weerarrada lagu bartilmaameedsado qaxootiga magangelyo-doonka ah ee ku sugan dalka Netherlands, kuwaas oo kooxaha midigta fog ee xagjirka ah, sida Defend Netherlands, ay si weyn uga soo horjeedaan xarumaha lagu dejiyo dadkaas qaxootiga ah. Kooxahan cunsuriyiinta ah ayaa dab qabadsiiyey xarun ku-meel-gaar ah oo ay [&#8

SO
Dowladda Holland oo amar adag kasoo saartay weerarada lala beegsado qaxootiga.
Sawir / xog muuqaal ah · Caasimada Online

Dowladda Holland ayaa amar adag kasoo saartay weerarada lagu beegsado qaxootiga magangelyo-doonka ah, iyadoo kooxo cunsuri ah ay dab qabadsiinayaan xarumaha qaxootiga.

Maxaa la shaaciyey

  1. Kooxaha midigta fog ee xagjirka ah, sida Defend Netherlands, ayaa weerar ku qaaday xarun magangelyo-doon ah oo ku taalla magaalada Loosdrecht.
  2. Golaha Wasiirrada ayaa ballanqaaday in la bixin doono kaalmo iyo xal gaar ah si loo adkeeyo ammaanka qaxootiga.
  3. Ra’iisul Wasaaraha Netherlands ayaa cambaareeyay weerarrada cunsuriyadda ku saleysan, isagoo sheegay inay yihiin falal xadkoodii dhaafay.

Macnaha guud

Weerarradan ayaa ka dambeeyay kororka rabshadaha ka dhanka ah qaxootiga magangelyo-doonka ah ee ku sugan Netherlands.

Ra’iisul Wasaaraha Netherlands ayaa sidoo kale wax aan la aqbali karin ku tilmaamay weerarrada cunsuriyadda ku saleysan.

Ra’iisul Wasaare Rob Jetten, Abdikadir Ali Nuune
Netherlands
2026-05-20

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan xaaladaha amni ee qaxootiga ku sugan Holland, gaar ahaan kuwa cusub.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Caasimada Online

Amsterdam (Caasimada Online) – Mudooyinkii u dambeeyay waxaa soo kordhayay weerarrada lagu bartilmaameedsado qaxootiga magangelyo-doonka ah ee ku sugan dalka Netherlands, kuwaas oo kooxaha midigta fog ee xagjirka ah, sida Defend Netherlands, ay si weyn uga soo horjeedaan xarumaha lagu dejiyo dadkaas qaxootiga ah.

Kooxahan cunsuriyiinta ah ayaa dab qabadsiiyey xarun ku-meel-gaar ah oo ay deggen yihiin dad magangelyo-doon ah oo ku taalla magaalada Loosdrecht, waxayna isku dayeen inay ka horjoogsadaan ciidanka dab-demiska inay damiyaan dabka. Si kastaba, dadkii ku sugnaa xarunta iyo shaqaalihii ayaa laga badbaadiyey.

Golaha Wasiirrada oo arrintan shir ka yeeshay ayaa u ballanqaaday dowladaha hoose kaalmo iyo xal gaar ah oo ku saabsan qaabilidda magangelyo-doonka, si loo adkeeyo ammaankooda, isagoo cambaareeyey rabshadaha ka dhanka ah xarumaha la weeraray.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Netherlands, Abdikadir Ali Nuune, ayaa war lagu farxo ku tilmaamay ballan-qaadka Ra’iisul Wasaare Rob Jetten, oo sheegay in la bixin doono xalal gaar ah, isla markaana la sameyn doono kooxo firfircoon oo la shaqeyn doona ururka dowladaha hoose ee Netherlands.

Isha: Caasimada Online. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Caasimada Online
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralqaxootigakasoosaartay
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.