Dowladda Soomaaliya oo soo saartay digniin ah in Itoobiya…
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiDowladda Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ah in dagaallada ka socda Itoobiya ay wiiqi karaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayQorshihii ay Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ku heshiiyeen bishii Febraayo 2025 wuxuu Itoobiya u qoondeeyey 2,500 oo askari.
- Cidda ay saamaysayUgu yaraan 15 qof, oo ay carruur ku jiraan, ayaa 29-kii Oktoobar ku dhintay duqeymo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadeen xerada barakacayaasha ee Jari 2.
- Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa wareysi uu siiyey TRT World ku sheegay in amniga labada dal uu isku xiran yahay.
- Balcad ayaa sheegay in qalalaase daba dheeraada uu Addis Ababa ku qasbi karo inay dib ugu yeerato qaar ka mid ah askarteeda ka tirsan AUSSOM, ama uu xaddidi karo taageerada ay askartaasi siiyaan ciidamada Soomaaliya.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto si ay uga jawaabto xaaladda Itoobiya?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay in dagaallada ka socda Itoobiya ay wiiqi karaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
- Qorshihii ay Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ku heshiiyeen bishii Febraayo 2025 wuxuu Itoobiya u qoondeeyey 2,500 oo askari.
- Ugu yaraan 15 qof, oo ay carruur ku jiraan, ayaa 29-kii Oktoobar ku dhintay duqeymo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadeen xerada barakacayaasha ee Jari 2.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa Khamiistii ka digtay in dagaallada ka socda Itoobiya ay wiiqi karaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo ciidamada dowladda ka taageera dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa wareysi uu siiyey TRT World ku sheegay in amniga labada dal uu isku xiran yahay. Wuxuu xusay inay wadaagaan xuduud dheer, isla markaana uu ka dhexeeyo xiriir bulsho, dhaqaale iyo taariikheed oo soo jireen ah.
Balcad ayaa sheegay in qalalaase daba dheeraada uu Addis Ababa ku qasbi karo inay dib ugu yeerato qaar ka mid ah askarteeda ka tirsan AUSSOM, ama uu xaddidi karo taageerada ay askartaasi siiyaan ciidamada Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sidoo kale ka digay in colaadaha Itoobiya ay si toos ah u saameyn karaan Soomaalida ku nool Dowlad Deegaanka Soomaalida, oo xuduud la leh Soomaaliya.
Doorka ciidamada Itoobiya
Itoobiya waxay ka mid tahay dalalka ciidamada ugu badan ku leh AUSSOM. Qorshihii ay Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ku heshiiyeen bishii Febraayo 2025 wuxuu Itoobiya u qoondeeyey 2,500 oo askari. Uganda, Jabuuti, Kenya iyo Masar ayaa iyaguna qoondo ku lahaa qorshahaas.
Itoobiya waxay Soomaaliya u soo dirtay ciidamo kale oo ku yimid heshiis laba geesood ah. Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa bishii Febraayo 2026 ku bogaadiyey Itoobiya iyo Uganda ciidamadii dheeraadka ahaa ee ay si ku-meel-gaar ah ugu soo direen Soomaaliya.
Bishii Sebtembar, ciidamo cusub oo Itoobiyaan ah ayaa la wareegay saldhigyada Beledweyne iyo Halgan ee qeybta afraad ee AUSSOM. Waxay beddeleen ciidamo saddex sano ka soo howlgalayey labadaas goobood.
Haddii Itoobiya ay dhimto ciidamadeeda, culeys dheeraad ah ayaa fuuli kara ciidamada Soomaaliya, xilli dowladda federaalka iyo Midowga Afrika ay ka shaqeynayaan in hay’adaha dalka ay si tartiib ah ula wareegaan mas’uuliyadda amniga.
Howlgalka AUSSOM, oo bilowgii 2025 beddelay howlgalkii ATMIS, ayaa sidoo kale ciidamada Soomaaliya ka caawiya sugidda amniga magaalooyinka iyo kaabayaasha muhiimka ah, sida dekedaha iyo garoomada diyaaradaha. Midowga Afrika ayaa hore ugu baaqay in bixitaanka ciidamada Burundi lagu beego imaanshaha kuwa Masar si looga fogaado firaaq amni.
Dagaallada ka socda Itoobiya
Digniinta Balcad ayaa timid kaddib markii dagaalkii u dhexeeyey dowladda federaalka Itoobiya iyo xoogagga ay hoggaamiso Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) uu dib u qarxay bishii Sebtembar. Dagaalka ayaa burburiyey heshiiskii Pretoria ee 2022, kaas oo soo afjaray colaad laba sano socotay.
Ciidamada dowladda Itoobiya iyo xoogag la safan ayaa horraantii Oktoobar dib ula wareegay Mekelle, caasimadda gobolka Tigray, kaddib markii ay halkaas ka baxeen xoogagga TPLF.
Rabshado ayaa sidoo kale ka socda gobolka Amxaarada. Ugu yaraan 15 qof, oo ay carruur ku jiraan, ayaa 29-kii Oktoobar ku dhintay duqeymo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadeen xerada barakacayaasha ee Jari 2, sida ay Reuters u sheegeen dad ka qeyb qaatay gurmadka. Cidda weerarka fulisay weli ma cadda.
Itoobiya iyo Eritrea ayaa horraantii Oktoobar jaray xiriirkoodii diblomaasiyadeed. Goobjoogayaal ayaa Reuters u sheegay inay waqooyiga Itoobiya ku arkeen askar ka tirsan ciidamada Eritrea intii uu dagaalku socday. Eritrea ayaa beenisay in ciidamadeedu ay gudaha u galeen Itoobiya.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ah in dagaallada ka socda Itoobiya ay wiiqi karaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Digniinta waxaa bixiyey Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), intii uu wareysi siinayey.
Qodobada muhiimka ah
- Dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay in dagaallada ka socda Itoobiya ay wiiqi karaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
- Qorshihii ay Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ku heshiiyeen bishii Febraayo 2025 wuxuu Itoobiya u qoondeeyey 2,500 oo askari.
- Ugu yaraan 15 qof, oo ay carruur ku jiraan, ayaa 29-kii Oktoobar ku dhintay duqeymo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadeen xerada barakacayaasha ee Jari 2.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaannada dowladda Soomaaliya iyo Cali Balcad.
- Tirada khasaare ee ka dhalatay duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn waxaa sheegtay Reuters laakiin ma jirto xaqiijin madax-bannaan.
- Ma jirto jawaab ka timid mas'uuliyiinta Itoobiya ee ku saabsan eedeymaha la soo jeediyey.
Gunaanadka akhristaha
Colaadda socda ee Itoobiya waxay khatar ku tahay howlgalada amniga ee Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto si ay uga jawaabto xaaladda Itoobiya?
- Sidee ayey hoos u dhigista ciidamada Itoobiya u saameyn doontaa amniga Soomaaliya?
- Maxay yihiin tallaabooyinka la qaadayo si loo ilaaliyo shacabka ku nool aagagga ay saameeyeen?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · security · security · dowladda · soomaaliya
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Awood ma u leeyihiin ciidanka Soomaaliya inay la wareegaan goobaha ay ka baxayaan ciidamada Uganda?
BBC Somali
- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ciidamada ku boorriyey inay kordhiyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab
Shabelle Media
- Somaliya iyo ‘Bilateralisation’-ka Dagaalka Ka Dhanka ah Al-Shabaab iyo ISIS
Shabelle Media