FAN: MURAAYAD AY BULSHADU ISKA DAAWATO
Hor iyo horraan, sida diiwaanka ku taal, waxa ugu mudan ee suugaanta Soomaalida lagu ammaani karo waa maansada. Ka gadaale, waa fanmasraxeedka! Suugaantu oo ah tab aadanuhu u adeegsado in…
Suugaanta Soomaalida, gaar ahaan fanmasraxeedka, ayaa ah muraayad ay bulshadu iska daawato, iyadoo la falgasha dhacdooyinka iyo dareenka bulshada.
Maxaa la shaaciyey
- Fanmasraxeedka Soomaalida wuxuu ka soo ifbaxay 1930meeyadii magaalada Xamar.
- Fanka masraxu wuxuu ku biiray halganka gobannimada iyo midaynta ummadda Soomaaliyeed.
- Fanmasraxeedka ayaa ka kooban laba walxood oo muhiim ah: jacayl iyo waddaniyad.
“Fanmasraxeedka Soomaalidu waxa uu biqlay markii u horraysay rubuchorraadkii qarnigii tegay.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay fahmaan sida suugaantu u tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah dhaqankooda iyo taariikhdooda.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Hor iyo horraan, sida diiwaanka ku taal, waxa ugu mudan ee suugaanta Soomaalida lagu ammaani karo waa maansada. Ka gadaale, waa fanmasraxeedka!
Suugaantu oo ah tab aadanuhu u adeegsado in uu isku dareencabbiro (self expression), isagoo ku muujiya doonistiisa, oo ku saafa afkaartiisa, kuna soo bandhigo adduun-araggiisa. Sidaas awgeed, suugaanta wanaagsan ee sida “fanaysan” loo curiyo, waa midda la falgasha dadkeeda ee ka jawaabta hadba shaacsanaha (phenomenon) la soo gudboonaada. Suugaantaasi weligeed ma duugowdo, mana hawlgabto.
Sida uu Maxamed Daahir Afrax ku tibaaxayo buuggiisa “Fanmasraxeedka Soomaalida: Raadraac Taariikheed iyo Riwaayado Caanbaxay (1987)” fanka masraxu dhowaansoogal buu ku yahay bulshada Soomaaliyeed, oo horraantii 1930meeyadii buu ka soo ifbaxay fagaarayaashii Xamar. Muddo yar gudaheed ayuu si siman ugu fiday guud ahaan dalka, isaga oo wata carcar cusub iyo qaabgudbin gaar ah; iskuna sidkaya murti iyo majaajilo; wacyigelin iyo waxsheeg suugaamaysan.
Fanmasraxeedka Soomaalidu waxa uu biqlay markii u horraysay rubuchorraadkii qarnigii tegay; kaas oo dheegasho, dhiraandhirin iyo hal-abuurba lahaa. Fanmasraxeedkaas ayaa ahaa muraayad ay bulshadu iska daawato: samaheeda iyo xumaheeda.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan