FIQI oo xog ka bixiyay shirka DF iyo Golaha Mustaqbalka uga socdo Xalane
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay shirka haatan ka socda Xalane ee u dhexeeya madaxda dowladda iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay in goobta lagu shirayo ay tahay xafiis dowladdu leedahay oo ku dhex-yaallo xayndaabka Xalane ee magaalada Muqdisho. “Shirka madaxda dalka iyo kooxda mucaaradku xafiis dawladdu leedahay ayuu [R

Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka hadlay shirka DF iyo Golaha Mustaqbalka oo ka socda Xalane, Muqdisho.
Maxaa la shaaciyey
- Shirka ayaa ka dhacaya xafiis dowladdu leedahay oo ku yaalla Xalane.
- Wasiir Fiqi ayaa sheegay in mucaaradka aysan wadan wax ajende ah.
- Wadahadallada waxaa ka qayb-galaya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra'iisul wasaare ku xigeenka dalka.
Macnaha guud
Shirkan ayaa ka socda Xalane si loo xalliyo khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.
“Kuwa aan isku kalsoonayn ee dhibcaha ka raadinaya wax kasta waxaan u Cadnaan’s in madaxda dalka wadahadalku u yahay mabda’”
Sababta ay muhiim u tahay: Shirkan ayaa muhiim u ah xallinta khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay shirka haatan ka socda Xalane ee u dhexeeya madaxda dowladda iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay in goobta lagu shirayo ay tahay xafiis dowladdu leedahay oo ku dhex-yaallo xayndaabka Xalane ee magaalada Muqdisho.
“Shirka madaxda dalka iyo kooxda mucaaradku xafiis dawladdu leedahay ayuu ka dhacayaa iyo dhul dawladdu ka taliso,” ayuu yiri Fiqi oo qoraal soo saaray.
Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in mucaaradka uusan wadan wax ajende ah, isla markaana ay ka muuqato kalsooni darro, sida uu hadalka u dhigay.
“Kuwa aan isku kalsoonayn ee dhibcaha ka raadinaya wax kasta waxaan u Cadnaan’s in madaxda dalka wadahadalku u yahay mabda’, laakin kooxda calaacalku wax qiimo uguma fadhiyo, waayo wax ajende ah ma wataan oo aan ahayn wadahadal kasta in ay fashiliyaan,” ayuu mar kale yiri Wasiirku.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan