Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Puntland Postgeneral

Guddoomiye hore oo ku dhintay dagaal ka dhacay Calmiskaad

Guddoomiyihii hore ee degmada Ufeyn Kabtan Maxamed Axmed Carab, hadana ahaa sarkaal ciidan ayaa u geeriyooday dhaawac halis ah oo… Sii akhri

SO
Guddoomiye hore oo ku dhintay dagaal ka dhacay Calmiskaad
Sawir / xog muuqaal ah · Puntland Post

Guddoomiyihii hore ee degmada Ufeyn Kabtan Maxamed Axmed Carab ayaa ku geeriyooday dhaawac halis ah oo ka soo gaaray dagaal dhexmaray ciidamo ka tirsan Puntland iyo ururka Daacish.

Maxaa la shaaciyey

  1. Dagaalka ayaa ka dhacay togga Jaceel, waxaana ku dhintay ilaa 5 askari.
  2. Daacish ayaa weerar ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Puntland.
  3. Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa la gaarsiiyay Daacish, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland.

Macnaha guud

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa soo badanayay weerarada ay gaystaan argagixisada Daacish ee ku dhuumaalaysata buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Daacish ayaa dagaalkaas lagu gaarsiiyay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Kabtan Maxamed Axmed Carab
Togga Jaceel
2026-05-14

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan khatarta ay argagixisadu ku hayaan amniga gobolka.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Puntland Post

Guddoomiyihii hore ee degmada Ufeyn Kabtan Maxamed Axmed Carab, hadana ahaa sarkaal ciidan ayaa u geeriyooday dhaawac halis ah oo ka soo gaaray dagaal shalay galinkii dambe dhexmaray ciidamo ka tirsan Puntland iyo ururka Daacish.

Daacish ayaa jidka u gashay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Puntland, kuwaas oo marayay togga Jaceel, waxaana dagaalkaas ku dhintay ilaa 5 askari, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Sidoo kale Daacish ayaa dagaalkaas lagu gaarsiiyay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa soo badanayay weerarada ay gaystaan argagixisada Daacish ee ku dhuumaalaysata buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Isha: Puntland Post. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Puntland Post
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Kalsooni
Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralhoredhacaydagaal
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.