Keydka Qarsoon iyo Khayraadka Baddeena JSL ku Duugan
Akhriste ma ogtahay in baddeenu ay dhumuc ahaan ku fidsan tahay ilaa sabarka kale xeebta Yaman, mana jiro wax ah shuruuc adag oo xaddidaya inay kalluumaysatadeenu gaadhaan xeebaha degaannada Soomaaliyeed ee inaga xiga hareeraha. Hayddaha caalamiga ah ee culuumta iyo khayraadka baddaha ku xeel dheeri cilmi baadhis ay sameeyeed waxay caddeeyeen in xeebteenna laga heli […]
Cilmi baadhis cusub ayaa muujinaysa in baddeena ay ku duugan tahay khayraad badan oo ay ka mid yihiin kalluun iyo macdan.
Maxaa la shaaciyey
- Kalluumaysiga badda ayaa u baahan in la berriinsado si loo helo nolol maalmeed iyo ganacsi.
- Cilmi baadhistu waxay caddeysay in baddeena ay leedahay macdanta birta iyo jaandiga oo qiimo weyn leh.
- Bulshada ayaa lagu boorinayaa inay ka faa'iidaystaan khayraadka badda si ay u gaaraan isku filnaansho cunto.
Macnaha guud
Cilmi baadhista ayaa ka tarjumaysa baahida loo qabo in la horumariyo kalluumaysiga iyo ka faa'iidaysiga khayraadka badda.
“Cilmi baadhistaasi waxa kale oo ay tibaaxaysaa inay baddeenna ku badan tahay macdanta loo yaqaan birta iyo jaandigu oo adduunka qiima weyn ka leh.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waa inay ka warqabaan khayraadka badda si ay u horumariyaan noloshooda.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Akhriste ma ogtahay in baddeenu ay dhumuc ahaan ku fidsan tahay ilaa sabarka kale xeebta Yaman, mana jiro wax ah shuruuc adag oo xaddidaya inay kalluumaysatadeenu gaadhaan xeebaha degaannada Soomaaliyeed ee inaga xiga hareeraha. Hayddaha caalamiga ah ee culuumta iyo khayraadka baddaha ku xeel dheeri cilmi baadhis ay sameeyeed waxay caddeeyeen in xeebteenna laga heli karo kalluun badan oo noqon kara mid loo isticmaalo nolol maalmeedka (artisinal fishing) iyo qaar geli kara wershadayn (industiral fishing). Arrinta kalluumaysigu waxay u baahan tahay in horta xeebta deegaan ahaan la berriinsado, cunida kalluunkana la caadaysto, lana soo celiyo dhaqankii ahaa in kalluunka xeebta dhow loo adeegsado qalabkii fududaa ee huudhiyada ee ay ku fillayd awoodda farsamo-yaqaanka deegaaanku.
Marka heerkaas lagu fillaado waxaa loo gudbi karaa kaalinta kaluumaysiga badda fog oo geli karta ganacsi iyo wershedayn, taasoo u baahan iskaashi gudaha iyo dibaddaba ah iyo suuq laga iibiyo, waxaana jirta in waxa kalluunka la yidhaadaa aanu suuq waayi karin dibad iyo gudo midnaba, balse loo baahan yahay ku dhiirrasho iyo adkaysi. Cilmi baadhistaasi waxa kale oo ay tibaaxaysaa inay baddeenna ku badan tahay macdanta loo yaqaan birta iyo jaandigu oo adduunka qiima weyn ka leh.
Haddaba bulshada yar iyo waayeelba waxay cilmi baadhistu ku boorinaysaa inay ka faaiidaystaan khayraadka ku duugan baddeena iyo in lagaga baxo baahida cunto ee ay dadkeenu ku sugan yihiin oo ay isku filnaansho ku gaadhaan khayraadkaas.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Wargeyska Dawan
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan