Lafta-gareen oo si adag uga hadlay doorashada K/Galbeed, farriina u diray beesha caalamka
Nairobi (Caasimada Online) – Cabdicasiis Lafta-gareen oo weli ku doodaya inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa si adag uga horyimid doorashooyinka Dowladda Federaalka ay ka waddo deegaanada maamulkaas. Lafta-gareen ayaa doorashooyinka ka dhacay maamulka ku tilmaamay kuwo aan sharciyad lahayn, isagoo sheegay in maamulku leeyahay madaxweyne si dastuur ah loo doortay, [

Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa si adag uga horyimid doorashooyinka Dowladda Federaalka ee Koonfur Galbeed, isagoo ku tilmaamay kuwo aan sharciyad lahayn.
Maxaa la shaaciyey
- Lafta-gareen wuxuu sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu leeyahay madaxweyne si dastuur ah loo doortay.
- Dowladda Federaalka ayaa 10-kii bishan doorashooyin ka qabatay 13 degmo oo ka tirsan gobollada Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool.
- Lafta-gareen wuxuu ka digay falalka ciidamada Dowladda Federaalka ee ku xadgudbaya shacabka rayidka ah.
Macnaha guud
Lafta-gareen wuxuu ka hadlay doorashooyin lagu qabtay Koonfur Galbeed oo uu ku tilmaamay kuwo aan waafaqsaneyn dastuurka.
““Cid kasta oo isku dayaysa inay qabato doorasho ama dhisto maamul aan waafaqsaneyn dastuurka iyo shuruucda dalka waxay ku xadgudbeysaa nidaamka federaalka, midnimada shacabka iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.””
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay fahmaan khilaafka siyaasadeed ee ka jira Koonfur Galbeed iyo sida ay doorashooyinku u saameyn karaan xasilloonida dalka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Nairobi (Caasimada Online) – Cabdicasiis Lafta-gareen oo weli ku doodaya inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa si adag uga horyimid doorashooyinka Dowladda Federaalka ay ka waddo deegaanada maamulkaas.
Lafta-gareen ayaa doorashooyinka ka dhacay maamulka ku tilmaamay kuwo aan sharciyad lahayn, isagoo sheegay in maamulku leeyahay madaxweyne si dastuur ah loo doortay, goleyaal dowladeed iyo hay’ado sharci ah oo u xil saaran maamulka iyo hoggaaminta dowladda.
“Cid kasta oo isku dayaysa inay qabato doorasho ama dhisto maamul aan waafaqsaneyn dastuurka iyo shuruucda dalka waxay ku xadgudbeysaa nidaamka federaalka, midnimada shacabka iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka,” ayuu yiri Lafta-gareen.
Sidoo kale, wuxuu si adag uga digay falal iyo xadgudubyo uu sheegay inay ciidamada Dowladda Federaalka, oo si sharci-darro ah ugu soo galay deegaanada Koonfur Galbeed, ku hayaan shacabka rayidka ah.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan