Liiska xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Koonfur Galbeed oo la shaaciyay
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohmdimaha ayaa shaaciyay liiska xubnaha ku guulaystay Golaha Wakiillada doorashadii isku-sidkanayd ee 10-kii bishan ka dhacday dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Xildhibaannada cusub ee baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa tiradoodu dhan tahay 92 xubnood, kuwaas oo intooda badan kasoo baxay xisbiga Caddaalad

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohmdimaha ayaa shaaciyay liiska xubnaha ku guulaystay Golaha Wakiillada doorashadii isku-sidkanayd ee 10-kii bishan ka dhacday dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.
Xildhibaannada cusub ee baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa tiradoodu dhan tahay 92 xubnood, kuwaas oo intooda badan kasoo baxay xisbiga Caddaaladda iyo Wadajir (JSP) ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Shaacinta liiska xildhibaannada cusub ayaa imaneysa kadib markii Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay shalay si kama dambays ah u ansixisay natiijada doorashada.
Maxkamadda Sare ayaa go’aankeeda ku caddeysay in aysan jirin wax cabasho rasmi ah oo laga gudbiyay natiijada doorashada muddadii sharciga ahayd, taas oo sahashay in si degdeg ah loo ansixiyo natiijada doorashada, sida ku cad qodobka 73-aad ee xeerka doorashooyinka qaranka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan