Maamulka G/Banaadir oo fuliyay qalliimo Wadnaha ah oo lagu Badbaadinayo 11 Carruur ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa fuliyay olole caafimaad oo lagu sameynayo qalliimo wadnaha ah 11 carruur Soomaaliyeed oo muddo dheer la noolaa xanuunnada wadnaha, kaddib markii maamulka uu bixiyay dhammaan qarashaadka daaweynta iyo qalliinnada carruurtaasi. Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa ka qeyb gashay Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Bilan Bile M

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa fuliyay qalliimo wadnaha ah oo lagu badbaadinayo 11 carruur ah oo la noolaa xanuunnada wadnaha.
Maxaa la shaaciyey
- Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bixiyay dhammaan qarashaadka daaweynta iyo qalliinnada carruurta.
- Qaar ka mid ah carruurta la daweynayo waxay xanuunka wadnaha qabeen muddo gaareysa 10 sano.
- Qalliinnada wadnaha ayaa waxaa fulinaya Somali Sudanese Hospital.
Macnaha guud
Carruurta la daweynayo ayaa muddo dheer sugayay fursad lagu badbaadiyo noloshooda maadaama waalidiintooda aysan awoodin qarashaadka qalliinnada.
““Badbaadinta carruurtan waxay la mid tahay badbaadinta 22 qof, sababtoo ah hooyada iyo ilmaheeda waa isku xiran yihiin.””
Sababta ay muhiim u tahay: Qalliimadan waxay muujinaysaa dadaalka maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan caafimaadka carruurta Soomaaliyeed.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa fuliyay olole caafimaad oo lagu sameynayo qalliimo wadnaha ah 11 carruur Soomaaliyeed oo muddo dheer la noolaa xanuunnada wadnaha, kaddib markii maamulka uu bixiyay dhammaan qarashaadka daaweynta iyo qalliinnada carruurtaasi.
Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa ka qeyb gashay Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Bilan Bile Maxamuud, oo sheegtay in qaar kamid ah carruurta la daweynayo ay xanuunka wadnaha qabeen muddo gaareysa 10 sano, halka qaar kale ay la noolayeen 8 sano iyo muddo sanad ah.
Waxay tilmaamtay in waalidiinta carruurtaasi aysan awoodin qarashaadka culus ee ku baxaya qalliinnada iyo adeegyada caafimaad, taasoo sababtay in carruur badan ay muddo dheer sugayeen fursad lagu badbaadiyo noloshooda.
Xoghayaha ayaa bogaadisay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), iyadoo sheegtay in uu dadaal weyn geliyay sidii carruurtaan ay ku heli lahaayeen adeeg caafimaad oo tayo leh.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan