Madaxweynaha Jubaland oo booqday ciidamada Daraawiishta, kuna dhawaaqay howl-gallo cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab
Jannaa Cabdalle – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Ahmed Maxamed Islaam, ayaa maalintii saddexaad ee Ciidul Adxaa booqasho ku tagay ciidamada Daraawiishta Jubaland ee ku sugan deegaanka Jannaa Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose. Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan furimaha hore, isagoo uga mahadceliyey dadaallada iyo heeganka joogtada ah ee ay […

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Jannaa Cabdalle – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Ahmed Maxamed Islaam, ayaa maalintii saddexaad ee Ciidul Adxaa booqasho ku tagay ciidamada Daraawiishta Jubaland ee ku sugan deegaanka Jannaa Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose.
Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan furimaha hore, isagoo uga mahadceliyey dadaallada iyo heeganka joogtada ah ee ay ugu jiraan difaaca amniga iyo xoreynta deegaannada Jubaland. Wuxuu ku ammaanay ciidamada doorka ay ka qaadanayaan sugidda nabadda iyo ilaalinta shacabka.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubaland ay qorshaynayso dardargelinta howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isagoo xusay in dhawaan la bilaabi doono howlgallo lagu xoreynayo deegaannada wali ay kooxdaasi ku sugan tahay.
Madaxweynaha ayaa ciidamada ku boorriyey inay sii xoojiyaan diyaar-garowgooda iyo dadaallada ay ugu jiraan la dagaallanka Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amni waara iyo xasillooni ay helaan shacabka Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan