Madaxweyne Deni oo Furay Kal-fadhiga 58-aad ee Baarlamaanka Puntland
GAROOWE – Madaxweynaha Dowladda Gobolleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta furay Kal-fadhigga 58-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Madaxweynaha ayaa khudbadiisa Dastuuriga ah ee furitaanka Kal-fadhigga Baarlamaanka uga hadlay, Shaqooyinka Dowladda Puntland u qabsoomay

Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Madaxweyne Deni ayaa furay Kal-fadhiga 58-aad ee Baarlamaanka Puntland ee Garoowe, isagoo ka hadlay guulaha dowladda iyo qorsheyaasha mustaqbalka.
Qodobada muhiimka ah
- Madaxweyne Deni wuxuu iftiimiyay shaqooyinka dowladda tan iyo kalfadhigii hore.
- Wuxuu ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee hadda, isagoo xusay dhammaadka dowladdii federaalka ee hore.
- Deni wuxuu dhaleeceeyay joogitaanka Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud xafiiska.
- Munaasabadda waxaa ka qeybgalay mas'uuliyiin kala duwan, oo ay ku jiraan Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha uu soo jeediyay Madaxweyne Deni.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo ku saabsan dhaleeceynta.
- Faahfaahinta ku saabsan guulaha gaarka ah ee Deni xusay ma cadda.
Gunaanadka akhristaha
Furitaanka kalfadhiga baarlamaanka waa dhacdo muhiim ah oo ku saabsan maamulka Puntland iyo doodda siyaasadeed.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay guulaha gaarka ah ee Madaxweyne Deni tixraacay?
- Sidee xaaladda siyaasadeed ee hadda u saameyn doontaa maamulka Puntland?
- Waa maxay cawaaqibka dhaleeceynta Deni ee Madaxweynihii hore?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
GAROOWE – Madaxweynaha Dowladda Gobolleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta furay Kal-fadhigga 58-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.
Madaxweynaha ayaa khudbadiisa Dastuuriga ah ee furitaanka Kal-fadhigga Baarlamaanka uga hadlay, Shaqooyinka Dowladda Puntland u qabsoomay intii u dhexeysay labada Kalfadhi iyo qorsheyaasha hortebinta u leh Dowladda.
Wuxuu sidoo kale Madaxweynuhu ka hadlay marxalada dalku galay ee ah in wakhtigu ka dhammaaday Dowladii Federaalka aheyd ee Soomaaliya, iyo duulaanka iyo burburinta uu dalka ku hayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud sifo sharci daro ah ku jooga xafiiska.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamuud Maxamed Ciise (Awoowe), Goleyaasha Dowladda, Saraakiil Madaxtooyo, Guddoomiyaha Gobolka iyo Kan Degmada Garoowe, Ururada Bulshada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.