Madaxweyne Farmaajo oo ka digay xaalad siyaasadeed oo halis ah
Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka digay xaalad siyaasadeed oo cakiran oo uu sheegay in dalka wajahayo, xilli ay isa soo tarayaan walaacyada la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo muddo xileedka dowladda hadda jirta. War-saxaafadeed uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo ayuu ku sheegay in Soomaaliya aysan u baahnayn […

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka digay xaalad siyaasadeed oo halis ah oo dalka wajahayo.
Maxaa la shaaciyey
- Farmaajo wuxuu sheegay in Soomaaliya aysan u baahnayn xaalad horseedi karta kala qeybsanaan siyaasadeed.
- Madaxweyne Farmaajo ayaa madaxda dowladda ku booriyay inay ilaaliyaan dastuurka iyo wadajirka shacabka.
- Hubanti la'aanta siyaasadeed ee jirta ayaa khatar ku ah mustaqbalka dalka.
Macnaha guud
Xaaladda siyaasadeed ayaa cakiran iyadoo ay jiraan walaacyo la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo muddo xileedka dowladda.
“Soomaaliya aysan u baahnayn xaalad horseedi karta kala qeybsanaan siyaasadeed iyo xasillooni darro.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan khataraha siyaasadeed ee dalka ka jira iyo baahida loo qabo xasilooni.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka digay xaalad siyaasadeed oo cakiran oo uu sheegay in dalka wajahayo, xilli ay isa soo tarayaan walaacyada la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo muddo xileedka dowladda hadda jirta.
War-saxaafadeed uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo ayuu ku sheegay in Soomaaliya aysan u baahnayn xaalad horseedi karta kala qeybsanaan siyaasadeed iyo xasillooni darro, isaga oo ugu baaqay madaxda dowladda inay ilaaliyaan dastuurka, wadajirka shacabka, iyo hanaanka dowladnimada.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale sheegay in hubanti la’aanta siyaasadeed ee jirta ay khatar ku tahay mustaqbalka dalka, isaga oo eedeyn u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuna tilmaamay inuu masuul ka noqon karo xaalad kasta oo siyaasadeed oo kasoo baxda muranka taagan.
Hadalka Farmaajo ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan dooddo siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka hoggaanka dalka, iyadoo qaar kamid ah mucaaradka ay muujiyeen walaac la xiriira jihada siyaasadeed ee Soomaaliya.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan