Madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle oo gaaray Beledweyne xilli laga diidan yahay maamulka
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiMadaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle, Cabdifataax Xasan Afrax, ayaa si lama filaan ah ugu soo gaaray Beledweyne xilli ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Afrax waxaa safarka ku wehliyay xubno ka tirsan xafiiskiisa iyo ciidamo ilaalo u ah oo hubeysan, iyadoo si gaar ah isha loogu hayo joogitaankiisa maadaama uu Beledweyne yimid saacado kadib markii halkaas uu gaaray Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo wata ciidan iyo tikniko badan.
- Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Beledweyne ayuu Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle ku sheegay in uusan jirin cid ka hor istaagi karta inuu magaalada yimaado, isagoo sheegay inuu doonayo inuu la kulmo dadka reer Hiiraan iyo inuu wax ka ogaado tabashooyinkooda.
- “Waxaan rabaa inaan helo tol aan qanciyo ama i qanciya, reer Hiiraan wax kasta oo ay tabanayaan waa u sidaa.
- Dhanka kale, Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Cabdullaahi Al-Cadaala oo ka tirsan Golaha Wakiillada HirShabeelle ayaa ka digay weerar uu sheegay in Sanbaloolshe uu qorsheynayo, kaas oo uu sheegay inuu yahay mid lagu beegsanayo Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha siyaasadeed ee socda ee Beledweyne, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara amniga iyo maamulka gobolka.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee Cabdifataax Xasan Afrax uu qaadi doono inta uu joogo?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Cabdifataax Xasan Afrax ayaa sheegay in uusan jirin cid ka hor istaagi karta inuu magaalada yimaado, isagoo sheegay inuu doonayo inuu la kulmo dadka reer Hiiraan.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle, Cabdifataax Xasan Afrax ayaa galabta si degdeg ah oo lama filaan ah ku gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo imaatinkiisa uu kusoo aaday xilli magaalada ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan.
Afrax waxaa safarka ku wehliyay xubno ka tirsan xafiiskiisa iyo ciidamo ilaalo u ah oo hubeysan, iyadoo si gaar ah isha loogu hayo joogitaankiisa maadaama uu Beledweyne yimid saacado kadib markii halkaas uu gaaray Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo wata ciidan iyo tikniko badan.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Beledweyne ayuu Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle ku sheegay in uusan jirin cid ka hor istaagi karta inuu magaalada yimaado, isagoo sheegay inuu doonayo inuu la kulmo dadka reer Hiiraan iyo inuu wax ka ogaado tabashooyinkooda.
“Waxaan rabaa inaan helo tol aan qanciyo ama i qanciya, reer Hiiraan wax kasta oo ay tabanayaan waa u sidaa. Inta hubeysan ee joogta Beledweyne waa dad isla dhashay, ma jirto mid mid wax u qaba oo danna waa ka dhexeysa. Cid iga celin karta ma jirto waa Beledweyne, waa magaaladan ku dhashay,” ayuu yiri Cabdifataax Xasan Afrax.
Dhanka kale, Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Cabdullaahi Al-Cadaala oo ka tirsan Golaha Wakiillada HirShabeelle ayaa ka digay weerar uu sheegay in Sanbaloolshe uu qorsheynayo, kaas oo uu sheegay inuu yahay mid lagu beegsanayo Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle.
“Waa arrin aad looga xumaado in Xil. Sanbaloolshe uu abaabulo weerar lagu qaado hoggaamiye ku-xigeenka HirShabeelle Cabdifaatax Xasan Afrax oo hadda ku sugan Beledweyne. Sanbaloolshe maanta ayay talo kula jirtaa ee ka fogoow inaad dhiig sokeeye daadiso,” ayuu yiri Xildhibaan Al-Cadaala.
Xaaladda Beledweyne ayaa caawa kacsan, waxaana magaalada laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay sameynayaan dhinacyo iska soo horjeeda.
Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo horraantii maanta uu magaalada soo gaaray Sanbaloolshe, kaas oo safar dhanka dhulka ah uga soo gudbay magaalada Feer-Feer ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Imaatinka labada masuul iyo dhaq-dhaqaaqyada ka socda magaalada ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Hiiraan ay isu beddesho xaalad amni, iyadoo dhinacyada kala duwan ay soo saarayaan digniino ku saabsan in laga fogaado isku dhac iyo daadinta dhiigga.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle, Cabdifataax Xasan Afrax, ayaa si lama filaan ah ugu soo gaaray Beledweyne xilli ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan. Wuxuu sheegay in aan cidna ka hor istaagi karin inuu yimaado iyo inuu doonayo inuu la kulmo dadka reer Hiiraan.
Qodobada muhiimka ah
- Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle, Cabdifataax Xasan Afrax, ayaa si lama filaan ah ugu soo gaaray Beledweyne xilli ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan.
- Cabdifataax Xasan Afrax ayaa sheegay in uusan jirin cid ka hor istaagi karta inuu magaalada yimaado, isagoo sheegay inuu doonayo inuu la kulmo dadka reer Hiiraan.
- Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Cabdullaahi Al-Cadaala ayaa ka digay weerar uu sheegay in Sanbaloolshe uu qorsheynayo, kaas oo uu sheegay inuu yahay mid lagu beegsanayo Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha ka imaanaya mas'uuliyiin kale oo ku saabsan xaaladda.
- Eedeymaha ku saabsan weerarka la qorsheynayo ee Sanbaloolshe ayaa ku saleysan kaliya hadallada Xildhibaan Al-Cadaala.
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan xiisadaha siyaasadeed ee la sheegay.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda Beledweyne ayaa kacsan, iyadoo saameyn ku yeelan karta maamulka deegaanka iyo amniga.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee Cabdifataax Xasan Afrax uu qaadi doono inta uu joogo?
- Sidee bay xiisadaha siyaasadeed ee Beledweyne u horumari doonaan ka dib dhacdadan?
- Maxay yihiin tallaabooyinka la qaadayo si loo hubiyo amniga aagga?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha siyaasadeed ee socda ee Beledweyne, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara amniga iyo maamulka gobolka.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · beledweyne · gaaray · xigeenka
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada