Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Horseed Mediageneral

Madaxweyne Lugatoor oo Imtixaan u furay 25,221 oo arday reer Puntland ah.

Kusimaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta si rasmi ah u…

SO
Madaxweyne Lugatoor oo Imtixaan u furay 25,221 oo arday reer Puntland ah.
Sawir / xog muuqaal ah · Horseed Media
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Horseed Media

Kusimaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta si rasmi ah u…

Kusimaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta si rasmi ah u furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland sanadka 2026, oo ay sanadka u fariisteen 25,221 Arday oo isugu jira Dugsiyada Dhexe iyo Sarre ee Puntland.

Ku-simaha Madaxweynaha, ayaa u rajeeyay ardayda Puntland in Alle u fududeeyo Imtixaanka, wuxuu xusay in Shaqooyinka dowliga ah iyo Adeega Bulsho uu si wanaagsan u socdo.

“Waxaan dhammaan ardayda u rajaynayaa guul, horumar iyo natiijo wanaagsan. Ardaydu waxay soo muujiyeen dedaal iyo dhabar adayg mudadii ay kusoo jireen hayaanka Waxbarshada, Dowladduna waxay xil gaar ah iska saartay sidii Ardayda reer Puntland u heli lahaayeen Waxbarasho iyo Imtixaan mideysan oo tayadiisu sarayso, sidoo kale waxaan bogaadinayaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, Maamulka Dugsiyada, Macallimiinta,Ardayda, Waalidiinta iyo dhammaan howl wadeenada ka shaqaynaya waxbarashada”.

Isha: Horseed Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Horseed Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralmadaxweynelugatoorpuntland
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.