Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Jowhargeneral

Madaxweyne Xasan oo la kulmay Abwaano Soomaaliyeed

May 25(Jowhar) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay qaar ka mid ah Abwaanada Soomaaliyeed, kaasi oo looga hadlay doorka suugaanleyda iyo hal-abuurka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin xoojinta wacyi-galinta bulshada, dowlad-dhiska iyo dib u soo nooleynta dareenka qaranimada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Abwaanada Soom

SO
Madaxweyne Xasan oo la kulmay Abwaano Soomaaliyeed
Sawir / xog muuqaal ah · Jowhar
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Jowhar

May 25(Jowhar) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay qaar ka mid ah Abwaanada Soomaaliyeed, kaasi oo looga hadlay doorka suugaanleyda iyo hal-abuurka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin xoojinta wacyi-galinta bulshada, dowlad-dhiska iyo dib u soo nooleynta dareenka qaranimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Abwaanada Soomaaliyeed uga mahadceliyey kaalinta lama ilaawaanka ah ee ay mar walba ka qaataan difaaca jiritaanka qaranka, kobcinta dhaqanka Soomaaliyeed iyo gudbinta fariimaha baraarujinta bulshada, isagoo xusay in suugaantu ay tahay tiir muhiim u ah dib u dhiska maskaxda iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qayb galay La-taliyaha Madaxweynaha ee Wacyi-galinta iyo Baraarujinta Dadweynaha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdikariim Cabdi, Abwaanada Soomaaliyeed ayaa Madaxweynaha la wadaagay aragtiyo ku saabsan horumarinta dhaqanka, xoojinta wadaniyadda iyo sidii hal-abuurka Soomaaliyeed loogu adeegsan lahaa nabadda, dowladnimada iyo horumarka dalka.

Isha: Jowhar. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Jowhar
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralxasansoomaaliyeedmadaxweyne
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.