Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ciidda – Muxuu sameeyay maanta?
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa kadib salaadda shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo, isaga oo Alle uga baryay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed uu ku mann

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa kadib salaadda shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo, isaga oo Alle uga baryay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed uu ku manneysto nabad, barwaaqo iyo horumar waara.
Xasan Sheekh ayaa farriintiisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada Soomaaliyeed ay sii xoojiyaan dhaqamada wanaagsan ee lagu garto maalmaha barakaysan, gaar ahaan isku duubnida iyo is-garab istaagga.
“Kama tageyno in mar walba aynu is xusuusinno dhaqamada wanaagsan ee la sameeyo maalintan oo kale. Waxaa muhiim ah in aan xoojino midnimadeenna, iskaashiga iyo taageerada bulshada dhexdeeda si loo gaaro Soomaaliya nabdoon oo horumarsan,” ayuu yiri madaxweynaha.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan