Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maalintii Labaad Wadahadallo la Yeelanaya Mucaaradka
Muqdisho – Madax ka tirsan mucaaradka Soomaaliya, dowladda federaalka, iyo wakiillada beesha caalamka ayaa maanta markale kulan siyaasadeed ku yeelanaya xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, si looga arrinsado xaaladda siyaasadeed ee dalka. Kulankan ayaa noqonaya maalintii labaad ee ay dhinacyadu isku hor fariistaan, iyadoo shirkii shalay uu kusoo dhammaaday is-afgarad la’aan, balse lagu bal

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalintii labaad wadahadallo la yeelanaya mucaaradka Soomaaliya si looga arrinsado xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Maxaa la shaaciyey
- Kulanka ayaa ka dhacay xerada Xalane ee Muqdisho, waxaana ka qeybgalaya madax ka tirsan mucaaradka iyo wakiillo beesha caalamka.
- Shirkii shalay ayaa ku dhammaaday is-afgarad la'aan, waxaana la ballamay in dhinacyadu la tashiyo sameystaan.
- Mucaaradka ayaa diidan qorshaha dowladda ee hirgelinta doorasho qof iyo cod ah iyo wax ka beddelka dastuurka.
Macnaha guud
Kulankan ayaa ka dambeeya khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay muddo kordhinta xukunka oo laga dhigay shan sano.
“Mucaaradka ayaa si weyn uga biyo diiddan qorshaha dowladda federaalka ee ku aaddan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.”
Sababta ay muhiim u tahay: Wadahadalladan ayaa muhiim u ah xasiloonida siyaasadeed ee Soomaaliya iyo mustaqbalka doorashooyinka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho – Madax ka tirsan mucaaradka Soomaaliya, dowladda federaalka, iyo wakiillada beesha caalamka ayaa maanta markale kulan siyaasadeed ku yeelanaya xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, si looga arrinsado xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Kulankan ayaa noqonaya maalintii labaad ee ay dhinacyadu isku hor fariistaan, iyadoo shirkii shalay uu kusoo dhammaaday is-afgarad la’aan, balse lagu ballamay in dhinac kasta uu la tashiyo la sameysto xubnaha iyo siyaasiyiinta uu matalayo.
Mucaaradka ayaa si weyn uga biyo diiddan qorshaha dowladda federaalka ee ku aaddan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, iyo wax ka beddelkii dhowaan lagu sameeyay dastuurka dalka.
Qodobka ugu weyn ee ay mucaaradku diidan yihiin ayaa ah muddo kordhinta xukunka oo laga dhigay shan sano, taas oo ay sheegeen inay khatar ku tahay heshiisyadii siyaasadeed iyo nidaamka wadajirka ah ee dalka lagu maamulayay.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan